Guddiga Siyaasada Miisaaniyada-Dowladda oo Kulankoodii Ugu Horeeyey Ka Yeeshay Diyaarinta-Miisaaniyadda 2024

0
867

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddiga heer qaran ee Siyaasadda Miisaaniyadda Dowladda, ayaa waxaa ay maanta yeesheen kulankoodii shaqo ee ugu horeeyey ee diyaarinta Miisaaniyadda sanadka soo socda ee 2024, Iyada oo laga shidaal qaadanayo Xeerka Maamulka Maaliyadda Dowladda ee Xeer Lr.75/2016, is la jeerkaasna la raacayo kal-tirsiga {Budget Calendar} diyaarinta miisaaniyadda.

Kulan-hawleedkan oo uu shir-gudoominayey Gudoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire waxa ka soo qaybgalay Wasiirada Wasaaraddaha Qorshaynta, Arrimaha-Gudaha, Maalgashiga, Warfaafinta, Ganacsiga, Deegaanka, Waxbarashada, Wasiir-Xigeenka Maaliyadda, Agaasimaga Guud ee Maaliyadda, Madaxda Waaxaha Dhaqaalaha & Tirokoobka Maaliyadda, Miisaaniyadda & Qorshaynta, saraakiil iyo hawl-wadeeno ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Waxaana bilawgii kulan-hawleedka Guddiga sharaxaad laga siiyey xaaladda guud ee dhaqaalaha Dalka, iyada oo loo qaybiyey nuqulo ah Xaashida Guud-Marka Dhaqaalaha {Budget Outlook Paper}. Taasi oo ah talaabada kowaad ee geedi-socodka diyaarinta Miisaaniyadda Dowladda.

Xaashida Guud-Marka Dhaqaalaha oo ah bar-bilawga hawsha diyaarinta miisaaniyadda, ayaa ka kooban shan qaybood kuwaasi oo kala ah:-

1.Qaybta 1aad: waxa ay si kooban oo cad u tibaaxaysaa hanaanka diyaarinta odoroska sanadlaha ah ee miisaaniyadda iyo waliba kaalinta Guddiga Siyaasadda Miisaaniyadda.

2.Qaybaha 2aad, 3aad iyo 4aad: waxa ay si guud-mar ah uuga warbixiyaan guud ahaan xaalada dhaqaale ee dunida iyo gaar ahaan kan Somaliland.

3.Halka qaybta 5aad ay muujinayso qaab-dhismeedka uu yeelanayo ku-talo-galka odoroska miisaaniyaddu.

Ugu danbayn, waxa kulankani intii uu socday la is kula jeexjeexay meelaha ay tahay in mudnaanta la siiyo sanad miisaaniyaddeedka soo socda ee 2024 hadii Rabi ogolaado.

Kulan-hawleedkan oo ah bar-bilawga geedi socodka diyaarinta miisaaniyadda 2024 sidii aanu sare ku soo sheegnay, waxa kulamada xiga loo balansanyahay todobaadyada soo socda sida uu qorshuhu yahay.

Hawasha diyaarinta miisaaniyadda dowladda, ayaa sida caadada ah bilaabanta bisha May ee sanad kasta  ilaa iyo dhamaadka bisha October.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here