Ciidamadda Somaliland oo Ka Warbixiyay Sugida Ammaanka Ee Xiliga Doorashada

0
1834
Saraakiisha kala duwan ee Ciidamadda Somaliland
Saraakiisha kala duwan ee Ciidamadda Somaliland

Hargeisa (Hargeisa Press) – Saraakiisha ciidamda qalabka sida ee Somaliland, ayaa bulshada u soo jeediayay in ay ciidamada kala duwan qaranka kala shaqeeyaan adkaynta ammaanka.

Waxaanay sheegeen saraakiishani in ay si adag amaanka u sugayaan, iyagoo sheegay in ay taalaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo sharciga ku gafta.

Saraakiishan ka kala tirsan ciidama kala duwan ee dalka, ayaa waxay xildhibaanada u tartamaaya doorashada isku sidkan ee Wakiiladda iyo Deegaanka iyo taageereyaashoodaba u soo jeediyeen in ay dhawraan amaanka iyo xeerarka u yaala doorashooyinka.

Waxay sheegeen Saraakiisha ciidamada kala duwan ee qaranku in ciidamadu heegan ugu jiraan sidii ay taalbo uga qaadi lahaayeen cidkasta oo ku hawal falal lagu carqaladaynayo ammaanka, isla markaana lagu wiiqaayo doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Saraakiisha kale ee ciidamada kala duwan ee amaanka ayaa iyaguna iska daba maray sida loogu baahanyahay in shacab iyo ciidanba layska kaashado ilaalinta amaanka maalmaha doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here