Madaxweyne Biixi oo Ka Hadlay Geerida Majaajilayste Sooraan

0
2196
Abwaan Sooraan
Abwaan Sooraan

Hargeisa (Hargeisa Press)  Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Geerida alle ha u naxariiste Majaajilayste Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan) oo maanta ku geeriyooday magaaladda Burco.

Madaxweynaha, ayaana waxa uu dhambaal tacsi ah u diray, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda fanka iyo suugaanta, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, shacbiga Somaliland iyo guud ahaan ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga meel ay joogaanba, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan).

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey Abwaan sugaan yahan ah oo wakhtigiisa ugu badan u huray dalkiisa iyo dadkiisa, geliyeyna juhdi iyo dedaal dheeriya, marwalbana ugu hoga-tusaalayn jiray hadba wacyiga jira oo uu ku wacyigelin jiray bulshada inay ka dheeraato wixii wax u dhimaya diinta iyo dhaqankeena suubban.

Sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda fanka iyo suugaanta, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, shacbiga Somaliland iyo guud ahaan ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga meel ay joogaanba, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 26/05/2021 magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey Abwaan sugaan yahan ah oo wakhtigiisa ugu badan u huray dalkiisa iyo dadkiisa, geliyeyna juhdi iyo dedaal dheeriya, marwalbana ugu hoga-tusaalayn jiray hadba wacyiga jira oo uu ku wacyigelin jiray bulshada inay ka dheeraato wixii wax u dhimaya diinta iyo dhaqankeena suubban. 

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga meel ay joogaanba, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda fanka iyo suugaanta, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Alle ha u naxariistee Majaajilayste Sooraan, ayaa wuxuu sidoo kale ahaa Abwaan iyo jilaa ay Soomaalidu aad u daawan jireen muuqaalladiisa, waxaanu caan ku ahaa sheekooyin ay inta badan isla soo jili jireen Abwaan Jawaan oo ay saaxiibo ahaayeen.

Abwaan Sooraan, ayaa mudo xanuunsanaa, isagoona maanta u geeriyooday xanuunka soo wajahay.

Waxaa la soo tabiyay in Sooraan uu ku dhacay cudurka safmarka ah ee Covid-19, kaasoo la sheegay inuu u geeriyooday maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here