Ciidamada Qaranka Oo Ka Rarey Dhulbeereedka Mashruuca Tog-Wajaale Dadkii Abaaruhu Soo Hayaamiyeen

0
878

Tog-Wajaale, (HargeisaPress) —Ciidamada Qaranka iyo Booliska Somaliland ee ku sugan Dhulbeereedka Mashruuca Tog-Wajaale ayaa, amar xaga sare kaga yimid kaga rarey, nawaaxiga Ciidanka Qaranku ka degan yahey Dhulbeeraadkaasi,talaabadan ayaa timid sida la sheegay kadib markii Ciidanka Mashruuca Tog-Wajaale degani u ogolaadeen Shacbiga abaartu wadey in ay istcmaalaan biyaha daaqa haseyeeshee, ay ka fogaadaan Soonaha xerada Ciidanku degan yahey(Milatry-zone).

 

laakiin dadku si war la,aan ah halkaa u dageen, waxaanay saraakiisha Ciidanka ee halkaa ku sugani ku doodeen in ay digniino dhinaca dagista ah siiyeen dadkani haseyeeshee, aanaey taa maqlin.

 

Geesta kale waxa jira warar sheegaya in Gudoomiyaha Tog-Wajaale ee Xiligani iyo Xubno odoyaal ah oo ay isku xidhan yihiin damac weyni kaga jiro in Ciidamadu ka guuraan dhulbeeraadka Mashruuca Tog-Wajaale si looga dhigo qeybo badan oo Mashruuca kamid ah Dhul laga iibiyo Ganacsatada.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here