Gudoomiyaha Gudida Diiwaangalinta Ururada Siyaasada Somaliland Oo Ka Hadlay Dacwad Ay Dhawan Usoo Gudbiyeen Garabka Uu Hogaaminayo Jamaal Cali Xuseen oo Ka Dhan Ah Eng Faysal Cali Waraabe

0
942

Hargeysa, (HargeisaPress) —Gudoomiyaha gudida diwaanglinta ururada siyaasiga ah Muddane Cabdirisaaq Jaamac Cumar “Ciyaale” ayaa waxaa uu  markii ugu horeysay  ka  hadley dacwad ay garabka musharax Jamaal Cali Xussen ee xisbiga UCID u gudbiyeen gudidaasi  taas oo ka dhan ah gudoomiyaha xisbigaasi Eng Faysal Cali Waraabe.

 

Gudimooyiha gudida diwaangalintu ururada siyaasadu waxaa uu sheegay in ay dacwadaasi xafiiskooda soo gaadhay isla markaaa ay sugayeen inta la ansixinaayo sida ugu wacana ay u dhameyn doonan waxaana uu yidhi

 

“Dacwadaasi waa ay noo taala waxaanu sugeynay inta lana ansixinaayo si aanay hadhaw toole aanay uga imanin daba filiq waxaana ay arntaasi ka mid tahay xilka la noo igmadey insha alleh waxaanu u dhameyn doona sida ugu wanaaga badan ee qaranka looga ilaalin lahaa in aan xisbi kale bur burin” ayuu yidhi gudoomiyaha gudida diwaangalinta ururada siyaasiga ah Cabdirisaaq Ciyaale

 

Si kasteba ha ahaatee khilaafka xisbiga UCID ee u dhaxeeya gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa wali la sugayaa talaada ay ka qaadan gudida ay dhawaan garabka uu hogaaminayo Jamaal Cali Xuseen u gudbiyeen gudida diwaangalinta ururada siyasada iyada oona la filayo inay dacwadani ay socoto ilaa maxkamada.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here