Golaha murtida Iyo madadaalada Muqdisho maxuu ahaa? Waxa Qoray Cumar Seerbiya

0
1396

Suugaanta Soomaaliyeed waa astaan qofkasta oo Soomaali ah ku dhejisan , isagu ha isku garto amaba bulshada kale ee in uun Soomaali aqoon u lihi ha kuu garatee, suugaani v waxay ka tarjuntaa isirkiisa oo ah soomaalinimo.
Tilmaantan qofkasta oo Soomaali ah huwani waxay ka dhalatay goobo lagu xanaaneeyey fanka iyo wax soo saarkii miidda ahaa ee hal abuurka Soomaalida kaasi oo aynu ka soo qaadan karno xarumihii murtida iyo madadaalada ee Muqdisho iyo Hargeysa , basle hadda ka aan u socdaa waa ka Muqdisho .
Guriga madadaalada ee Muqdisho waxa la asaasay sannadkii 1966kii waxaana suurogeliyey rabitaanka faneed ee bulshada ka dib maalingelin ay ku samaysay dawladdii Shiinaha /China ee rayidka ahayd waxuuna ka mid noqday dhismayaasha ugu qurux badan ee magaalada Muqdisho , waxaana laga dhisay wadnaha magaalada ,
in lagu soo bandhigo fanka , sida heesaha riwaayadaha , tartanada kala duwan ka sakaw waxay ahayd goob lagu qabto shirarka iyo aqoon-isweydaarsiyada kale ee bulshada maskaxdooda lagu kobcinaayo , waxaanu qaadi jiray in ka badan 1500 oo ruux
madaama uu waqtigaa fanku Soomaaliya aad looga xiisaynayey Tiyaatarku waxa uu bilaabay inuu qabto shaqooyin ay ka mid tahay:

cumar seerbiya
1: in dadkii ka shaqaynaayey oo isku ahaa bahda fanka iyo wasaarada warfaafintu ay safari u galaan gobolada kala duwan ee dalka si kor loogu qaado mawhibooyinka kuwa fanka jecel looguna soo bandhigo curinta hal-abuurada iyo fanaaniintii waqtigaasi .

2 in la duubo lana diiwaangeliyo heesaha iyo suugaanta kala duwan si looga baahiyo idaacada Radio Hargeysa iyo Radio Muqdisho .
Waxaanu ahaa Tiyaatartku ha’yad madax banaan oo wada shaqayn la leh wasaarada war-faafinta iyo hanuuninta , waxaanu fursad siiyey boqolaal qof oo ay maanta dhagteena iyo Isheenuna garanayso .
Horumar ay ka sameeyeen dhanka wax soo saarka ahayd bahdii ka shaqaynaysay , waxaya fankoodii ka gudbiyeen Muqdisho iyo deegaanadii kala duwanaa ee Soomaaliya waxayna safaro ugu baxeen dalal badan oo oo caalamka ah sida , Bulgaariya, Suudaan , Imaaraatka , Masar Nayjeeriya , Shiinaha iyo dalal kaleba.
Gudihiisa haddii aan wax idinka xusuusiyo waxa uu lahaa goob saraysa /Stage loox ka samaysan oo si wacan loo farsameeyey kaasi oo u suurogelinaysa bulshada kala duwan inay arki karaan dadkii hibooyinka faneed soo gudbinaayey .
Bandhigyo kala duwan oo lagu soo bandhigay xaruntan waxay sababtay in la dhagaysto afkaaraha dhaliilo iyo toosintaba leh ee dawladihii xilliyadaasi jiray .

 

Xaaladda waqtigan ee gurigan waa mid muuqaal ahaan ka duwan xogtan aan ka sheekeeyey iyo ta kale ee aad adigu haysaba , haddii ay hore u ahayd xarun madadaalo iyo farxad laga helo , hadda way ka duwan tahay oo waxay fadhiisin u tahay ciidamo , waxaana bishii April ee sannadkii 2012kii waqti ay xafladi ka socotay ka dhacay qarax dad badani ku lee’deen .
sawirkan ka muuqda sheekada markii aan ku galaayey aniga iyo saaxiibkii I sawiraayeyba waxaanu ka cabsoonaynay inay na arkaan ciidamadu oo ay xabad nagu soo ridaan sidaas darteed waxaanu istaagnay xarunta aqalka hooyooyinka oo waddo u dhexayso mana jirto guri dhaqan iyo faneed oo lagu bedelay xeradan ciidanka .

 

 

Waxa Qoray Cumar Seerbiya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here