Caqabad Cusub oo Soo Wajahday Wada-hadalladii Xiisadda Nile

0
1006

Qaahira (Hargeisa Press) — Masar ayaa ku baaqday in la joojiyo wada-hadallada ay Ethiopia kala leedahay biyo-xidheenka weyn ee Addis-Ababa ay ka sameyneyso webiga Nile.

Sudan ayaa ku hanjabtay inay wada-hadallada ka baxeyso iyada oo sheegtay in Ethiopia ay ku adkeysatay inay wada-hadallada ku xidhay in dib looga xaajoodo heshiis ku saabsan wadaagga biyaha webiga Nile ee Bulugga.

Wada-hadallada ayaa markii hore ku saabsanaa oo kaliya buuxinta biyo-xidheenka.

Wasiirka Biyaha iyo Waraabka Sudan, Yasser Abbas ayaa sheegay inuu dhiggiisa Ethiopia ka helay warqad uu kusoo jeedinayo “in heshiiska laga wada-xaajoonayo uu ku koobnaado buuxinta biyo-xidheenka iyo heshiis kasta oo khuseeya maamulka la xidhiidha saami wadaagga biyaha Nile.”

Masar iyo Sudan ayaa adeegsaday “xuquuq taariikhi ah” oo la xidhiidha webiga oo ay u damaanad qaadeen axdiyo la saxeexay 1929-kii iyo 1959-kii.

Hase yeeshee Ethiopia ayaa adeegsata heshiis ay 2010 la gashay lix ka mid ah dalalka uu webiga maro, heshiiskaas oo ay qaadaceen Masar iyo Sudan.

“Tani waa isbedel ku yimid mowqifka Ethiopia, wuxuuna helis gelinayaa wada-hadallada, Sudan kama qeyb-galeyso wada-xaajood kasta oo ku saabsan saami qeybsga biyaha Nile,” ayuu yidhi Wasiirka Biyaha iyo Waraabka Sudan, Yasser Abbas.

Wasaaradda Biyaha Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Ethiopia ay soo bandhigtay heshiis aanu qeyb ka aheyn habka looga howlgalayo biyo xidheenka iyo sharciyadda ku hareereysan.

Waxay sidoo kale ku eedeysay Addis Ababa inaanay diyaar u aheyn in murankan la xaliyo.

“Masar iyo Sudan waxay dalbanayaan in kulamada la hakiyo, si ay wadatashi uga soo sameeyaan hindisaha Ethiopia,” ayaa lagu yidhi bayaanka Masar.

AFP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here