Berbera: Sadex Ruux oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi

0
1688

Berbera (Hargeisa Press)- Ugu yaraan Saddex qof ayaa illaa inta imika la xaqiijiyay ku geeriyooday, halka tirro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen Shil gaadhi oo barqanimdii Maanta ka dhacay inta u dhexeeysa Magaalooyinka Berbera iyo Burco gaar ahaan Buurta Sheekh.

Shilkaas ayaa waxaa uu yimid, kadib markii gaadhi Bas oo ay leedahay Shirkad kamid ah Shirkadaha qaada dadweynaha ee u kala goosha Somaliland iyo Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland uu rogmaday, xili uu ku socday xawaare sare.

Dad shacab ah ayaa gurmad xoogan u sameeyay dadkii waxyeeladu kasoo gaadhay shilkaas, waxaana gaadhiga xiligii uu rogmanayay saarnaa dad badan, iyadoo  halkaas ay ku geeriyoodeen Saddex kamid ah dadkii gaadhigaasi saarnaa.

Dadkii dhaawacyadu soo gaadheen ayaa waxaa loola cararay Cisbitaalka magaalada Berbera, si xaaladooda caafimaad loogu dabiibo.

Shilalka noocan oo kale ah ayaa ku soo badanayay sannadihii ugu dambeeyay Somaliland, waxaana shilal hore u dhacay ku geeryooday dad fara badan, halka tiro kalena dhaawacyo kala duwan ay kasoo gaadheen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here