Shir Lagu Soo Afjarayo Colaad Mudo U Dhaxaysay Laba Beelood oo Ka Furmay Degmada Saaxdheer Ee Gobolka Sool

0
1497

Saaxdheer (Hargeisa Press) – Waxa Gelinkii dambe ee maanta degmada Saax-dheer ee gobolka Sool ka furmay Shir-nabadeed u dhexeeya Beelaha walaalaha ah ee Hagar iyo Hayaag ee Dhulbahante oo dhowaan cilaadi ku dhexmartay deegaanka Horufadhi

Labada Beelood oo uu Gogol nabadeed u dhigay Garaadka guud ee Beelaha Sool, Sanaag Iyo Buuhoodle Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa la doonayaa in lagu soo afjaro Colaad muddo soo jiitamaysay ee u dhaxaysey labada beelood ee Walaalaha ah, kuwaasi oo horraantii bishii dhamaatay ee July uu dagaal khasaare sababay ku dhex maray degmada Horufadhi.

Shirka Nabadeed ee ka furmay Saax-dheer ayaa waxa ka qayb-galay Odayaasha iyo Waxgaradka Labada Beelood ee la heshiisiinayo iyo Tobannaan Madax-dhaqameed ah oo ka socda Gobollada kale ee Dalka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here