Cabdirisaaq Khaliif oo Ka Hadlay Xidhiidhka Ka Dhexeeya Kooxaha Argagixisada iyo Wadashaqaynta Madaxweyne Biixi

0
2255

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha cusub ee golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa ka hadlay loolankii xooganaa ee u dhexeeyay Xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ee ku aadanaa shir-guddoonka golaha Wakiillada.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Telefiishanka Universal, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku eedeeyay inay shir-guddoonka golaha Wakiillada ka kaxaysay xadkii iyo boosishanadii loogu talagay.

Sidoo kale, waxaa Guddoomiyaha waxlaga weydiiyay xidhiidhka ka dhexeeya kooxaha Argagixisada iyo sida ay u suurta galayso qaabka ay u wada shaqaynayaan Madaxweyne Biixi, maadaama la ogyahay halka ay siyaasad ahaan ay kala taagan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here