Xubno Ka Mid Ah Garabka Cabdi Xaashi oo Qaadacay Doorashada Berri

0
1183

Muqdisho (Hargeisa Press) – Xubno kamid ah guddiga doorashooyinka kuraasta baarlamanka ee ka soo jeeda Somaliland, ayaa shaaciyay in ayna ka qeyb geli doonin doorashada maalinta berri ah loo balansan yahay ee lagu dooran doono guddoonka guddigaas.

Shir jaraa’id oo ay magaalada Muqdisho ku qabteen afar xubnood oo ka tirsan guddigan ee uu hoggaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa waxay sheegeen illaa iyo inta heshiiska laga gaadhayo khilaafka ka dhex taagan labada garab ayna ka qeyb galayn doorashada.

Doorashadan, ayaa la doonayaa in loo qabto xubnaha guddiga oo gaadhaya 11-qof, si hoggaankooda ay isaga dhex-doortaan, balse uu laba garab u kala jabay guddigu.

Xubnaha diidan inay ka qeyb galaan doorashada la qorsheeyey in berri lagu qabto Afisyooni, ayaa ah afartii uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi oo hoggaaminaya mid ka mid ah labada garab oo ay u kala jabeen siyaasiyiinta reer ka soo jeeda Somaliland.

Afarta xubnood ee guddigaas uu ku leeyahay garabka Cabdi Xaashi, ayaa shuruud ku xidhay ka qeyb galkooda doorashada berri, waxayna shaaciyeen in doorashadaas ay qeyb uga noqon karaan laba qodob midkood.

1 – Inay guddoonka u codeyaan 8-xubnood oo doorashada ayna ka qeyb gelin xubnaha uu Rooble soo magacaabay.

2 – Iyo in wadahadal iyo heshiis dibadda ah oo lagu dhammeeyo muranka jira doorashada ka hor.

Qoraal war-gelin ah oo galabta uu baahiyay guddiga doorashooyinka qaranka ee heer federal, ayaa lagu adkeeyey balankii ahaa in Sabtida berri ee 7-da August la qaban doono doorashada guddoonka guddiga maamulaya doorashada kuraasta baalamaanka federaalka ee ka soo jeeda Somaliland.

Fariinta guddiga doorashada heer federal ee Soomaaliya, ayaa muujineysa in xukuumadda Rooble ay ku adkeysaneyso in berri la qabto doorashada guddoonka guddiga doorashada ee xubnaha ka soo jeeda Somaliland, iyadoo aan xal laga gaadhin tabashada cirka isku shareertay ee hanaanka loo marayo doorashadaas ay ka qabaan siyaasiyiinta reer Somaliland ee garabka uu hoggaamiyo guddoomiye  Cabdi Xaashi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here