Cabdirashiid Riyo-raac oo Beeniyay In Xilka Laga Qaaday

0
1318
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac)

Hargeysa (Hargeisa Press) Qoraal lagu baahiyay boga Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha guddida Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), uu wali yahay guddoomiyaha guddida.

Qoraal ka, ayaa lagu beeniyay qoraal isla bogan lagu baahiyay galinkii hore ee maanta, qoraalkaas oo lagu sheegay in guddoomiyaha guddidaas Cabdirashiid Riyo-raac laga qaaday xilkii guddoomiye-nimo isla markaana lagu badalay Kaltuun Sh Xasan Cabdi.

“Guddoomiyaha Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu beeninayaa, xil ka qaadista sharci darada ah ee lagu baahiyay baraha bulshada, isla markaana loo faafiyay si khaldan oo aan waafaqsanayn shuruucda uu koomiishanku ku shaqeeyo” ayaa lagu yidhi qoraalka lagu baahiyay boga guddida.

Qoraalka hore ee lagu sheegay in guddoomiye Riyo-raac la badalay, ayaa isla markii la baahiyayba laga saaray boga guddida, lakinse xubnaha xisbiyada mucaaradka u qaabilsan wada shaqaynta guddida ayaa warbaahinta u sheegay in Riyo-raac cod gacan taag ah oo xubnaha guddidu u qaadeen xilkii lagaga qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here