Dowladaha Hoose Ee Burco iyo Hargeysa oo Booyado Lagu Wareejiyay

0
864

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad ay ururka DAN-WADAAG laba Booyadood ku wareejinayeen Hargeysa iyo Burco.

Labadaasi Booyadood oo ah kuwa biyaha lagu dhaamiyo ah ayaa lagu kala wareejiyay maamulka degmooyinka Burco iyo Hargeysa.

Waxaana labadan Booyadood loogu tallo galay in dawladaha hoose ee Hargaysa iyo Burco kaga qayb qaataan dhibaatadda abaarraha.

Munaasibad kooban oo loo qabtay wareejinta labadaasi Booyadood waxaa ka soo qayb galay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha haayadda NEDFORD, masuuliyiin ka socday wasaaradda arrimaha gudaha.

Maayarka magaaladda Burco, xubno ka tirsan golaha deegaanka caasimadda Hargeysa, saraakiiil ka socday haayadaha caalamiga ah ee dawladaha hoose ee Somaliland ka taageerra mashruuca horumarinta ee JPLG.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here