Guddiga Gurmadka Suuqa Waaheen oo Ka Warbixiyay Lacagaha Soo Gaadhay

0
822

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddiga heer qaran ee gurmadka iyo taakulaynta suuqii gubtay ee Waaheen ee magaaladda Hargeysa ayaa shaaciyay dakhliga cadadka lacageed ee ilaa hadda soo gaadhay, meelaha ay ka soo gaadheen iyo kharashka baxay.

Waxaana shaacinta lacagtaasi guddiga heer qaran ee gurmadka iyo taakulaynta suuqa Waaheen ku wehelinayay guddiga ganacsatadda iyo culimadda ee gar-gaarka suuqii gubtay ee Waaheen ee magaaladda Hargeysa.

Guddiyadaasi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda diinta iyo awqaafta oo ay si ku-meel-gaadh ah ugu sii shaqeeyaan, ayaa ka hadlay dhaqaalaha taakulaynta suuqa Waaheen ee soo gaadhay.

Muuse Ibraahim Selef, wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska ee Somalilad oo ka mid ah guddigaasi ayaa faah-faahiyay lacagaha soo gaadhay, meelaha ay ka soo kala gaadhay, iyo ilaa hadda kharashaadka baxay.

Waxaanu sheegay Muuse Selef, in mudadii ay socotay taakuladda iyo gurmadka suuqa Waaheen in ay soo gaadhay lacag dhan lix iyo toban Milyan, sagaal boqol iyo shan iyo konton kun, iyo laba dollar.

Kharashaadka baxay ayuu ku tilmaamay in wejigii u horeeyay bixiyeen laba todobaad ka hor oo ahayd cawad celintii dadkii nuglaa ee suuqa Waaheen, kuwaasoo ahaa dadkii dakhligoodu ka hooseeyay $5000 oo dollar.

Lacagtaasi loo qaybiyay dadkaasi ayaa dhamayd 1 Milyan iyo 8 boqol 5 boqol iyo 11 dollar, isla markaana wixii lacago ahaa ee soo gaadhay dhamaanteedba ay ku jirto Akaawnka guddiga taakulaynta suuqa Waaheen ee magaaladda Hargeysa.

Geesta kale wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska Somalilad Muuse Ibraahim Selef, ayaa ka warbixiyay meelaha kale ee kharashku kaga baxay ee ku saabsanaa suuqyadda ku-meel-gaadhka ah ee loo rarray dadka ganacsatadda yar yar ah.

Suuqyadaasi oo ilaa afar suuq ah waxaa ka mid ah suuqa laga sameeyay Xero-qaadkii Hargaysa, Beerta Xoriyadda Hargaysa, Dayrka ku xigga hudheelka Hadhwanaag ee ku yaalla Biriijka weynee Hargeysa, iyo suuqa laga sameeyay Inji.

Dhinaca kale, Muuse Ibraahim Selef, waxa uu ka hadlay dawladaha, haayadaha, shirkadaha iyo meelaha kala duwan ee ay lacagaha gurmadka suuqa Waaheen ka soo kala gaadheen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here