Cabdi Xaashi oo Markale Loo Doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya

0
626
Cabdi Xaashi Cabdillaahi
Cabdi Xaashi Cabdillaahi

Muqdisho (Hargeisa Press) – Cabdi Xaashi Cabdallaahi, ayaa maanta mar kale loo doortay guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya, kadib markii uu ku guulaystay doorashada guddoonka aqalka sare.

Cabdi Xaashi, ayaa helay 28 cod, wuuxuna noqday musharraxii ugu codadka badnaa saddexda musharrax ee xilkan isku soo taagay, kuwaas oo kala ah, Cabdi Xaashi, Cusmaan Abuukar Dubbe iyo Saalax Axmed Jaamac.

Musharraxii ku xigay, ayaa helay 24 Cod waxaana uu noqday Saalax Axmed Jaamac, halka Musharrax Dubbe uu helay 2 Cod.

Cabdi Xaashi, ayaa markale barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya sii hoggaamindoona afarta sano ee soo socda, waxaana la filayaa inay Mucaaradka iyo muxaafidka Soomaaliya ay soo dhoweeyaan doorashadiisa.

Cabdi Xaashi oo ka mid ah rugcadayaasha siyaasadeed ee Soomaaliya ee ka soo jeeda Somaliland, ayaa lagu xasuustaa dagaalkii siyaasadeed ee uu hore ula galay Farmaajo iyo kooxdiisa.

Guusha Cabdi Xaashi, ayaa dhabar jab ku ah kooxda Villa Soomaaliya waxaana dhinaca kale guul siyaasadeed u tahay kooxda Rooble iyo Mucaaradka oo soo dhoweeyey guushiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here