Aasaasaha WorldRemit oo Midowga Yurub Ku Dhaliilay Qaadhaankii Ay Ku Yabooheen Suuqa Waaheen

0
1858
Ismaaciil Axmed, Aasaasaha Shirkadda Worldremit
Ismaaciil Axmed, Aasaasaha Shirkadda Worldremit

Hargeysa (Hargeisa Press) – Aasaasaha shirkadda Worldremit isla markaana ah guddoomiyaha hay’adda Sahamiye Foundation, Ismaaciil Ibraahim Axmed, ayaa si adag u dhaliilay Qaadhaan $100,000 oo Midowga Yurub ku yaboobay inay ka qayb-qaadanayaan taakuleynta ganacsatada xoolahooda ku waayey Suuqa gubtay ee Waaheen.

Midowga Yurub, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku yaboobay taakulo dhaqaale oo gaadhaysa 100 Kun oo Dollar, taas oo ay sheegeen inay ku caawinayaan ganacsatada yar-yar ee ku caydhoobay masiibadii dabka ee ku dhacday Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Ismaaciil Cabdilaahi oo daba-socda qaddarka lacagta ah ee Midowga Yurub ku yabooheen, ayaa sheegay in Qaadhaanka 100,000 kun ee Dollar ahi uu sawir qaldan ka bixinayo gurmadka Suuqa Waaheen iyo taakuleynta Ganacsatada yar-yar ee Suuqa Waaheen oo loo qaybiyey lacag ka badan 2 Milyan oo Dollar.

Guddoomiye Ismaaciil Ibraahim, waxa uu arrintan kaga hadlay qoraal kooban oo uu caawa soo saaray, waxaanu yidhi, β€œWar saxaafadeed aad loo buunbuuniyey oo EU-du soo saartay ayaa lagu sheegay in ay deeq dhan €100,000 soo marin doonto hay’ad kale oo ganacsatada yaryar ee Waaheen ka caawin doona in ay iibsadaan β€œcunto iyo biyo” ganacsigoodiina dib u bilaabaan.

Warkan oo lagu daabacay bogga EU-da oo bishii ay booqdaan 60 malyuun ayaa wuxu bixinayaa sawir qaldan oo ah in ganacsata yaryar weli aan waxba loo qaban oo ay hay’ad sugayaan.

Waxay EU-du warka faafisay iyada oo og in ganacsatada yaryar loo qaybiyey lacag ka badan $2 malyuun oo ay dib u bilaabeen ganacsigoodii, ilaa haddana lacagaha ay Soomaalidu ku deeqday kor u dhaaftay $20 malyuun.

Marka laga jaro kharashyada hay’aduhu ku maamulaan deeqaha waxa laga yaabaa in inta soo hadhaa ay noqon karto oo keliya afur wadareed cuntada iyo biyaha la sheegay gaadhsiiya ganacsatada suuqa.

War saxaafadeedka oo aad looga soo shaqeeyey wuxu deeqdan yar ka dhigay mid ka miisaan weyn dhammaan wixii dadkeennu bixiyeen marka Google laga baadho gurmadkii suuqa.” Sidaas ayuu qoraalkiisa ku yidhi Ismaaciil Ibraahim Axmed, aasaasaha worldremit isla markaana ah guddomiyaha hay’adda Sahamiye Foundation.

Hay’adda Sahamiye Foundation oo si weyn uga qayb-qaadatay gurmadka dhaqaale ee lagu taakuleynayo ganacsatada, ayaa lacago deeq ah oo gaadhaya $313,700 u qaybiyey 761 Qof oo ah ganacsatada yar-yar ee Suuqa Waaheen.

Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyaan guddiga heer qaran ee Taakuleynta Suuqa Waaheen, ayaa 16-kii bishan lacago u qeybiyey 988 Qof oo ka mid ah ganacsatada yar-yar ee Suuqa Waaheen, kuwaas oo ganacsigooda lagu qiimeeyey inta u dhaxaysa $73 ilaa $5,000, kuwaas oo wadar ahaan la siiyey lacag ka badan $1.8 Milyan.

Warbixin qiimeyn ah oo ay soo saareen Guddiga heer Qaran ee madaxweynuhu u magacaabay taakuleynta Suuqa, ayaa lagu sheegay in khasaaraha dabku soo gaadhsiiyey suuqa Waaheen lagu qiimeeyey adduun lacageed oo gaadhaya $2 Bilyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here