“Cirro waxaan leeyahay adigoon booqan Taliyihii lagu dhaawacay Baki…”

0
670

Hargeysa (Hargeisa Press)- Afhayeenka xisbiga Kulmiye C/naasir Buuni, ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), oo ka hadlay dhacdo ka dhacday degmadda Baki ee gobolka Awdal.

Dhacdadaasi ka dhawaan ka dhacday degmadda Baki ee gobolka Awdal ayaa sababtay in dad uu ka mid yahay taliye boolis ay ku dhaawacmeen, islamarkaana dhawr qof oo kale lagu soo xidhay.

C/naasir Buunni, oo maanta warbaahinta dawladda magaaladda Hargaysa kula hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in C/raxmaan Ciiro uu ka baaqsaday taliye ku-xigeenkii qaybta booliska ee gobolka Awdal oo cusbitaalka guud ee Hargeysa u jiifa dhaawac dhacdadii Baki ka soo gaadhay.

Balse uu ta aka door biday inuu sheego wax aan jirin iyo waxyaabo aanu xog ogaal u ahayn, isagoona ku eedeeyay Cirro in aanu arrintaasi kala xidhiidhin haayadihii dawladda ee xog ogaalka u ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here