Buuq iyo Sawaxan Hadheeyay Fadhigii Baarlamaanka Soomaaliya

0
801

Muqdisho (Hargeisa Press)- Fadhigii baarlamaanka Soomaaliya ee maanta, ayaa ku soo dhamaaday buuq iyo isfahanwaa xilli baarlamaanku uu u ballansanaa inuu bilaabo la xisaabtanka golaha xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa isku mari waayay in cod loo qaado su’aal wayndiinta Wasiirka Amniga Soomaaliya oo golahaasi hor yimid iyo in kale.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay guddiga joogtada ah inay ku xadgudbeen xeer hoosaadka baarlamaanka, iyo hannaanka loo marayo la xisaabtanka xukuumadda Soomaaliya.

Sawaxan, ayaa is qabsaday wuxuuna Guddooomiyaha Baaralaanka Soomaaliya Aadan Madoobe ku celceliyay “weligay ma arkin xildhibaanno diidaya in cod la qaado”.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay inay gef ku tahay baarlamaanka, sida uu sheegay in guddiga joogtada ee baarlamaanka uu golaha horkeeno liis ay soo qoratay xukuumadda Xasan Sheekh, liiskaas oo ah jadwalka wasiiradda hortagaya golaha.

Xildhibaanada, ayaa sheegay guddiga joogtada inay ku xad gudbeen madax bannaanida 275 xildhibaan ee golaha shacabka Soomaaliya. Wuxuuna sheegay inay ku guulaysteen in la hakiyo la xisaabtanka wasiirka amniga oo baarlamaanka hor iman lahaa.

Waxay sheegeen in guddiga joogtada ee Baarlamaanka Soomaaliya inuu hortaagan yahay in baarlamaanku si dhab ah ula xisaabtamo xukuumadda Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii waxaa cod loo qaaday qodob kale oo ah in dib loo dhigo ajendaha uu muranku ka taagnaa iyo in hadda laga hadlo, waxaanay xildhibaanadu u codeeyeen in dib loo dhigo iyada oo uu guddoomiyuhu ka dhawaajiyey in la isaga iman doono maalinta isniinta.

Hoos ka daawo muuqaalka warka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here