Guddoomiye Cali Xaamuud oo Digniin U Diray Maxkamadda Sarre

0
1022

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa si addag uga hadlay fasiraad guddida doorashooyinka qaranka Somaliland u gudbiyeen Maxkamadda Sarre oo la xidhiidha arrimaha khilaafka doorashooyinka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Gollaha Wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibriil oo ka mid ah muddanayaasha gollaha ku metala Xisbiga UCID, ayaa uga digay Maxkamadda Sarre inay farageliso sharcidejinta.

Guddoomiye Cali Xaamuud oo ay hareera joogaan masuuliyiinta xisbiga UCID oo warbaahinta la hadlay, ayaa ka hadlay arrimahaa iyo sababta xalka loogu waayay muddada dheer khilaafka doorashooyinka.

“Guddidu waxay hayaan xeerkii doorashada madaxtooyadda horena waxay u sheegeen inay sagaal bilood ku qabanayaan, laakiin ma hayaan xeer Ururo siyaasadeed, Maxkamaddana waxaan uga digaynaa inay farageliso arrimaha xeerarka iyo sharcidejinta shaqadooda.” ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here