Maal-gashadayaal Ka Socda Hindiya oo Somaliland Soo Gaadhay

0
1535

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa dalka ku soo dhaweeyay Maal-gashadayaal caalami ah oo ka soo jeeda dalka Hindiya.

Wasiirka wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa soo dhawaynta kadib ganacsatadan ku qaabilay xafiiskiisa.

Waxaana uu Wasiirku tafaasiil iyo faahfaahin dheeraad ah ka siiyay fursadaha Maal-gashi ee ka jira Dalka gaar ahaan Badda dheer ee Somaliland, Waxana kulankani ku wehelinayay Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga Ismaacii Mire Faarax.

Kulankaasi, ayaa waxaa la iskula qaatay inay kormeer iyo indho-indhayn ba ay ku soo sameeyaan warshadaha Kalluunka Jamhuuriyadda Somaliland Una Fish iyo Zakia Fish oo xarumohoodu yihiin Magaalo xeebeeda Berbera.

Waxayna Maal-gashdayaashan oo ay weheliyaan Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga iyo Isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Saaxil Dr. Abdikariim Ciise kormeer balaadhan ku soo sameeyeen Warshadahaasi iyagoona maal-gashadayaashu dhankooda ka marag-kacay istaraatiijiyadda marsadda Berbera oo ku taal goob istaraajiya oo ganacsigu ku hana qaadi karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here