Buundo Ku Taallay Jidka Isku Xidha Jig-jiga iyo Goday Oo Go’day

0
678

Jig-jiga (Hargeisa Press.com):  Boqollaal gaadiid ah ayaa ku xaniban Jidka u dhexeeya magaalooyinka Goday iyo Jigjiga, ka dib markii uu go’ay Biriij halkaasi ku yaallay.

Biriijka ayaa waxa jaray Daadad waaweyn oo ka dhashay Roobab Maalmihii u dambeeyay ka da’ayay deegaannada Soomaalida ee Itoobiya.

Taasina waxay keentay in dhammaan gaadiidkii iskaga kala gooshayey Jigjiga illaa goday ay xanibmaan.

Gaadiid isugu jira Basaska dadka Rakaabka ah qaada, gawaadhida Xamuulka culus u kala gudbiya magaalooyinka uu maro Jidka dheer ee Jig-jiga iyo Goday isku xidha ayaa ku xaniban dhinacyada Biriijka go’ay.

Waxaana la sheegay in weli gaadiidkaasi sugayaan  in la helo xal ay kaga gudbaan. Inkastoo dadka rakaabka buundooyin macmal ah loo sameeyay oo iyagoon wax alaab ah sidan laga gudbiyay.

Masuuliyiin ka mid ah Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in Hay’adda Dawladda Federaalka Itoobiya u qaabilsan Jidadku ay ka soo ambo-baxeen dhinaca Addis Ababa si ay uga hawl-galaan inay hagaajiyaan Biriijkaasi.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here