Laascaanood: Ururka SOLJA Oo Tababar U Soo Xidhay 20 Saxafi

0
611

Laascaanood (Hargeisa Press.com): Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa maanta tababar u soo xidhay 20 saxafi oo ka mida weriyeyaasha ka hawl gala magaaladda Laascaanood.

Weriyeyaashaasi oo ka mida kuwa ka hawl gala magaaladda Laascaanood ayaa  muddo laba maalmood ah uu tababarku u socday .

Tababarkaasi ayaa ku saabsanaa mabaadii’da suxufiga wanaagsan iyo kor u qaadidda fahamka saxafiga ee dhinaca sharciga iyo sidii uu u ogaan lahaa waxa uu xaqa u leeyahay iyo xuquuqda lagu leeyahay.

Waxaana tababarkaasi bixinayay xubno ka tirsan golaha fulinta ee ururka SOLJA.

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here