Beel Oromo ah iyo Beel Somaliland Degta Oo Heshiis Wada Gaadhay

0
569

Hargaysa (HP): Muran shil baabuur oo muddo saddex sanadood ah u dhexeeyay laba beelood oo ka soo kala jeedda Qawmiyadda Oromiya iyo beel Somaliland degan ayaa maanta la soo af-jaray.

Murankaasi oo la xidhiidhay shil baabuur oo nin uu ku dhintay, kaasoo saddex sanno ka hor ka dhacay magaaladda Kalabaydh.

Waxaana maanta murankaasi laga gaadhay heshiis buuxa, kadib markii madax dhaqameedka Oromiya iyo kuwa beesha kale ay muddo ka soo shaqaynayeen.

Beesha dhinaca Somaliland ka soo jeedda waxaa metelayay guddiga horumarinta Hoodaale, halka beesha qawmiyadda Oromiya ay ka socdeen xubno madax dhaqameed ahaa.

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here