“Dacaayadan waxaa ka shaqeeyay dad ka xun xidhiidhka labadda dawladood”…

0
583

Saylac (HP): Xildhibaanadaasi Axmed Muxumed Barkhadle, oo ka tirsan golaha degaanka Saylac waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in baabuur Hub siday oo dhawaan lagu qabtay degaanka Soomaalida Itoobiya uu ka soo gudbay xuduudka Somaliland iyo Jabuuti.

Waxaanu xildhibaanku sheegay in arrintasi ay ka danbeeyaan dad cadow ah oo doonaya in ay fidno iyo colaad dhex dhigaan dawladaha walaalaha ah ee Somaliland iyo Jabuuti.

Xildhibaan Axmed Muxumed Barkhadle, oo caawa khadka telefanka ugu waramay wargeyska Dawan, isagoo ku sugan magaaladda Hargaysa, ayaa ugu baaqay dawladaha Somaliland iyo Jabuuti in baadhitaan wada jir ah lagu sameeyo halka warkaasi ka yimid.

Waxaanu yidhi, “Wax suurto-gal ah ma aha, in Jabuuti Hub ka yimaado oo uu Somaliland soo gallo. Ama uu Hub Somaliland ka tago oo uu Jabuuti gallo. Baabuurta yar yar oo isku socdaa ma jiraan.

Waa baabuur Xamuulka wadda, gawaadhida Xamuulka wada ee Jabuuti ka yimaadaa, waxay alaabta keenaan Lama-degaanka. Waxaana Lama-degaanka ka soo qaadda baabuurta Somaliland, oo Saylac keenna.

Kuwaas ayaana u soo gudbiya Wajaale, Hargaysa ama Boorama. Arrintaas waa dacaayad la sameeyay, labadda dal-na xidhiidhkoodda lagu dhaawacayo, waxna kama jiraan arrintaasi”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Laba dawladoodba waa in ay baadhaan halka uu ka yimid warkaasi. Waajibaadkeedana la mariyo cidda ama meesha lagu hello.

Dadka degan xuduudka u dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland waa dad amniga ku fiican, oo haddii waxaas oo kale ay dhacaan, dadka ayaaba dawladda uga horaynaya.

Waxaanan leeyahay labadda dawladood-ba haka shaqeeyaan warkaasi meeshii uu ka yimid, sidii loo heli lahaa”ayuu yidhi xildhibaan Axmed Barkhadle.

Geesta kale xildhibaanku waxa uu sheegay in meesha baabuurkaasi lagu qabtay aanay xuduud wadaagin gobolka Selel, sidaas darteedna uu cadayn karo in aanu jirin gaadhi ka soo gudbay Saylac oo u gudbay Itoobiya.

Waxaanu yidhi, “Meesha baabuurkaasi lagu qabtay gobolka Selel xuduud lama laha. Magaallo-Qaran ayaa la yidhaahdaa, Wajaale ayaanay Koonfur ka xigtaa. Baabuurkana Taarikadda waa lagu xidhan karaa.

Midhka aanu anagu cadayn karno ee ah, waxa tahay wax Somaliland ka soo galay ma aha, oo Itoobiya u gudbay ma jiraan. Arrinta aan ka hadlayaa waxa weeye, gaadhi Jabuuti laga leeyahay, oo inta uu Somaliland dhex maray, uga gudbay Itoobiya ma jiro”.

Ugu danbayn xildhibaanka ayaa ku baaqay dawladaha Somaliland iyo Jabuuti in ay wada jir uga shaqeeyaan sidii loo cadayn lahaa halka warkaasi ka yimid. Maadaama oo labadda dal uu ka dhexeeyo xidhiidh aad u wanaagsan oo dhinacyo badan leh.

“Dacaayadan waxaa ka shaqeeyay dad ka xun xidhiidhka fiican ee ka dhexeeya labadda dawladood ee walaaha ah, ee Somaliland iyo Jabuuti. Isku socod wanaagsan ayay leeyihiin, xidhiidh ganacsi ayaa ka dhexeeya.

Waxaan leeyahay labaduba ha baadhaan meesha warkaasi ka yimid, oo ha ka wada shaqeeyaan halka warkaasi laga keenay, sidii ay u heli lahaayeen”ayuu yidhi Axmed Muxumed Barkhadle.

Xigasho: Wargeyska Dawan

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here