“Waa dhibaato la dhex dhigayo labadda dal Hala baadho meesha warkaasi ka yimid”…

0
587

Saylac (HP): Xildhibaano ka tirsan golaha degaanka Saylac ayaa ka hadlay warar maalmahan la isla dhexmarayay oo sheegayay in baabuur Hub siday oo dhawaan lagu qabtay degaanka Soomaalida Itoobiya uu ka soo gudbay xuduudka Somaliland iyo Jabuuti.

Baabuurkaasi oo dabayaaqadii bishii hore lagu qabtay tuulladda magaallo-Qaran oo ka tirsan ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo ay saarnaayeen 39 baastooladood iyo saddex nin.

Waxaana jirtay kadib markii warka qabashadda Hubkaasi soo baxay hadal-hayn iyo falan-qayn la isla dhex marayay baraha bulshadda ee internet-ka oo sheegayay in baabuurkaasi ka soo gudbay xuduudka Somaliland iyo Jabuuti ee Lawyo-cade.

Xildhibaanadaasi oo kala ahaa Axmed-yaasiin Muxumed Barkhadle iyo xildhibaan Aadan C/laahi Boodhle, oo labadooduba ka wada tirsan golaha degaanka Saylac oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Saylac waxay ku baaqeen in baadhitaan wada jir ah lagu sameeyo halka warkaasi ka yimid.

Waxaanay arrintaasi xildhibaanadu ku tilmaameen mid fidno iyo colaad lagu dhex dhigayo dawladaha Somaliland iyo Jabuuti. Taasoo ay sheegeen mid dacaayad ah oo ay ka danbeeyaan dad cadow ku ah saddex dal ee Jabuuti, Somaliland iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Xildhibaan Axmed-yaasiin Muxumed Barkhadle, ayaa sheegay in cidii warkaasi sheegtay looga baahan yahay cadayntiisa, isla markaana ay ka danbeeyaan dad cadow ah.

Waxaanu yidhi, “Wixii ka danbeeyay sanadkii 2008-dii, baabuurta Jabuuti ka yimaadda ee alaabta sidaa, xadka ayay alaabta keenaan. Waxaana xadka ka soo qaadda kuwa Somaliland oo keenna Saylac.

Baabuur Taariko Jabuutiyaanna leh, oo Somaliland soo gala ma jiraan. Arrin jirta ma aha warkaasi lagu sheegayo in baabuurkaasi watay Taarikadda Jabuuti. Cidii warkaa sheegtay ayaana looga baahan yahay cadayntiisa”.

Geesta kale Aadan C/laahi Boodhle (Waran), ayaa isna arrintaasi ku sifeeyay dhibaato la dhex-dhigayo dawladaha Jabuuti iyo Somaliland.

Waxaanu sheegay in gawaadhiga ka yimaadda Jabuuti sifo sharci ah lagu baadho, kuwa tegayana la dhaabo. Waxaanu yidhi, “Arrintaasi mid dhacaysa ma aha, mana suurtoobayso.

Wararkan aan suuqa ka maqlaynaa, waa wax saddexda dawladoodba u cadow ah. Baabuurka Jabuuti ka imanaya sifo sharciya ayaa lagu baadhaa, ka tegayana si sharci ah aya lagu baadhaa”.

Xildhibaan Boodhle, ayaa carabka ku adkeeyay in aanu jirin wax Hub ah oo Jabuuti ka yimaadda, sidoo kale-na Somaliland uga taga.

“Jabuuti Hub kama yimaado, xaggeenana (Somaliland) ugama tago. Waa arrin dacaayad ah. Hala baadho meesha warkaasi ka yimid.

Waa dhibaato la dhex dhigayo labadda dal ee Somaliland iyo Jabuuti”ayuu yidhi xildhibaan Boodhle.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here