Badhasaabka Sool Oo Soo Kormeeray Degaamadda Bariga iyo Koonfurta Gobolkaasi

0
374

Laascaanood (HP): Wefti uu hogaaminayay badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa soo kormeeray deegaamadda Bariga iyo Koonfurta Gobolka Sool.
Safarkaasi oo ahaa mid xog agaal u noqosho ah ku tagey deegaanada Qabri-bayax, Af-weyn, Karin, Danbayn-weyn, Qoriley, degmada kala-baydh iyo deegaanno kale oo ka tirsan Bariga iyo Koonfurta Gobolka Sool.


Waxaana badhasaabka safarkaasi ku wehelinayey Maamulka degmada Laascaanood, taliyaha qaybta booliska iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah laamaha dowlada ee gobolka.
Ujeedka safarkan ayaa ahaa sidii wax badan ay uga ogaan lahaayeen xaaladdaha deegaanadan sida baahiyaha aasaasiga ah oo ay tahay waajib na saaran u kuur galidooda iyo wax ka qabashadooduba.
Sidoo kale waxa ay weftiga badhasaabku kulamo kala duwan la yeesheean bulshada ku dhaqan degmada kala-badhay kuwaasi oo noo soo bandhigey baahiyaha ka jira degmada ee ay tabayaan anagoo sidey u kala mudan yihiin uga jawaabi doona haddii weynuhu idmo.


Waxa kaloo ay weftigani soo kormeereen xarunta caafimaadka Qoriley oo ah goob adeeg ballaadhan bulshada u haysa iyagoona warbixno ka dhegaystay maamulka xaruntaasi. Waxaanay dareen ahaan la qaybsadeen xaaladaha iyo baahiyaha kala gedisan ee ay tabayaan.
Ugu danbeyn C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, u mahad celiyay bulshada ku dhaqan deegaanadaasi ay soo kormeereen sidii sharafta milgaha maamuuska iyo gobanimada lahayd ee ay u soo dhaweeyeen.

DAAWO: Qaybtii 1aad Kormeerkii weftiga badhasaabka gobolka Sool:

DAAWO: Qaybtii Labaad ee kormeerkii Deegaanada Bariga iyo koonfurta ee gobolka Sool:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here