Kulan lagu heshiisiiyay Maxamed Kaahin iyo Maxamuud Xaashi

0
398

Hargaysa (HP): Waxa magaalada Hargeysa ka dhacay xalay kulan ku dhexmaray siyaasiyiin miisaan culus ku leh saaxadda siyaasadda Somaliland, gaar ahaan xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo xisbigeeda KULMIYE.

Kulanka oo ahaa qarsoodi, ayaa dhexmaray siyaasiga caanka ah ee Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo uu muddooyinkii u dambeeyey u dhexeeyey khilaaf siyaasadeed oo kala irdheeyey.
Ilo xogogaal u ah kulankaas, ayaa tilmaamay in lagu heshiisiinayey siyaasi Xaashi iyo Wasiir Kaahin oo hore isugu seegay arrimaha iyo xisbiga KULMIYE, isla markaana hirdan siyaasadeed uga dhexeeyey dumaasha xilka Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka oo la filayo in madaxweyne Muuse Biixi uu dhowaan wareejin doono.
Xogaha ayaa tibaaxay in kulankaas si buuxda loogu heshiisiiyey labada masuul, iskana shaafiyeen waxyaabihii ay kala tirsanayeen, haatanna aragti midaysan ku wajihi doonaan arrimaha siyaasadda ee dalka iyo hirdanka loogu jiro doorashooyinka soo socda iyo weliba in gacmaha laysku qabsado sidii xisbiga KULMIYE u xejisan lahaa darka hoggaaminta dalka ee uu hore labada jeer ugu guulaystay.
Kulanka waxa goobjoog ka ahaa wasiirkii hore ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Jaamac Maxamuud Cigaal, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Cabdikariin Xinnif, Baashe Cawil safiirkii hore ee dalka Kenya, Wasiirka Dastuurka Md Maxamed Xaaji Aadan iyo siyaasiga Cali Siciid Raygal.
Ma cadda waxayaabaha lagu heshiiyey, balse waxay wararku tibaaxayaan in laysla qaatay midow siyaasadeed iyo in Maxamuud Xaashi kalka siyaasadeed ee KULMIYE loo banneeyo.
Hase yeeshee, warar kale oo la xidhiidha kulankaas ayaa tibaaxay in siyaasiga Maxamuud Xaashi uu aqbalay inuu kalkan guddoomiyenimada KULMIYE ku dhiso Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Maxamed Kaahin Axmed.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here