Badhasaabka Sool Oo Kulan La Yeeshay Wefti Ka Socday Guddiga Covid-19 Ee Heer Qaran

0
711

Laascaanood (HP): Guddoomiyaha gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaamaanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay xubno dhakhaatiir ah oo ka socday guddiga heer qaran eeΒ  ka hor taga caabuqa Corona Virus.

Xubnahaasi oo isugu jiray dhakhaatiir iyo masuuliyiin ka tirsan guddiga heer qaran eeΒ  ka hor taga Covid-19.

Sidoo kale waxaa shirkaasi goob joog ka ahaa xubnaha guddiga ka diyaar garowga Covid-19 ee gobolka Sool.

U jeedadda socdaalka guddigan ka socday heer qaran eeΒ  ka diyaar garowga Corna Virus, ayaa la xidhiidha sidii ay xog ogaal ugu noqon lahaayeen hawlaha u diyaar garowga gobolka SoolΒ  ee caabuqaasi.

Kulankaasi oo muddo saacado ah qaatay oo uu shir-guddoominayay badhasaabka gobolka Sool, ayaa lagu falan qeeyay xaaladaha gobolka SoolΒ Β  eeΒ  ka diyaar garoowga xanuunka aduunka sida weyn ugu faafay ee Corona Virus.

C/qani Maxamuud Jiidhe, badhasaabka gobolka Sool oo kulankaasi kadib faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha shirkaasi ay kaga wadahadleen weftiga u yimid ayaa sheegay in xubnahani ay qiimaynayaan sida hawlaha ka diyaar garowga Covid-19 uga socdan gobolka Sool.

Waxa kaloo uu sheegay in ay si buuxda u fuliyeen dhamaanba awaamiirta iyo tallooyinka ay soo saareen guddiga ka horta Corona ee heer qaran.

Masuul u hadlay xubnaha guddiga Covid-19 ee heer qaran ayaa ka warbixiyay u jeedadda socdaalka ay ku tegeen Sool iyo waxyaabaha ay ka shaqayn doonaan mudadda ay gobolkaasi joogaan.

Waxaanu ugu baaqay bulshadda reer Sool, in ay si wanaagsan u dhegaystaan tallooyinka bahda caafimaadka, isla markaana ay si wanaagsan ula shaqeeyaan dadkaas, guddigaas iyo guddoomiyahoodda sida ugu wanaagsan, Una bad-baadiyaan bulshadoodda.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here