Xukuumada oo War ka soo Saartay Mashruuc Ay Dawladda Somaliya Sheegtay Inay Ka Fulin Doonto Degaanno Somaliland ka Tirsan

0
701

Hargeysa,(HargeisaPress)–War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, oo soo gaadhay Shabakada wararka ee HargeisaPress ayaa u dhignaa sidan:-

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku war-galinaysaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Baanka Adduunka in barnaamijka Maamulka Muqdisho u la magac baxay Baxnaano, kuna sheegay in qaybo ka mid ah uu ka fulin doono deegaanno ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay faragalin qaawan oo waxyeello ku ah amniga Somaliland, isla markaana uu yahay barnaamij lagu marin habaabinayo bulshada caalamka.

Dawladda Somaliland wax ay u ga digaysaa Maamulka Muqdisho isku-dayga taagta daran ee uu ku rabo in uu ku faragaliyo qarannimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxana ay cod dheer ugu sheegaysaa in uu maamulkaasi ka waantoobo sheegashada caalwaaga ah ee xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland.

Dawladda Somaliland waxa ay si gaar ah u ga codsaneysaa Baanka Adduunka in uu ka fiirsado deeqaha la siiyo maamulka aan musuulka ahayn ee ka dhisan Soomaaliya kaas oo caadaystay in uu u adeegsado deeqaha iyo caawimooyinka aadane ee adduunka ujeeddooyin gaar ah, iyo kuwo siyaasadeed oo lagu khalkhal galinayo amniga iyoxasilloonida Somaliland.
Ugu dambayn, dawladda Somaliland waxa ay si adag ugu digaysaa cid kasta oo isku dayda in ay qayb ka noqoto isku-dayga fulinta mashaariicda ka hor imanaya madaxbannaanida Jamhuuriyda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here