Badhasaabka Gabiley Oo Unbulance Ku Wareejiyay Degaanka Caadda

0
428

Caadda (HP): Badhasaabka gobolia Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa maanta baabuur Anbulance ah ku wareejiyay maamulka degaanka Caadda ee woqooyiga Gabiley.


Baabuurkaasi Anbulance ka ayay bulshada deegaanka Caadu si isku tashiya ay dhaqaalaha lagu soo iibiyay iskaga ururiyeen.
Hawshaasi bulshadda degaanka kala sgaqeeyay gudida DDI, iyadoo ay dawladduna kala waregtay.
Munaasibad loo qabtay wareejinta baabuurkaasi waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda Tignolojiyadda iyo isgaadhsiinta Somaliland, wasiir ku-xigeenka xanannada Xolaha Yurub Abiin.


Maayarka Gabiley, isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Gabiley, xildhibaano ka kala tirsan golaha Wakiiladda iyo deegaanka ee Gabiley.

Badhasaabka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay bulshada degaanka Caadda.
“Waxaan bulshada reer Caadeed iyo Gudida DDI aan uga mahad-cellinaynaa soo dhawayntooda diirran.
Waxaan kele oo aan ku bogaadinayaa kaalinta mugga leh ee ay ka qaadanayaan horumarka degaanka iyo guud ahaanba gobolka Gabiley”ayuu yidhi badhasaabka Gabiley.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here