Badhasaabka Gabiley Oo Soo Kormeeray Goobaha ay Ka Socoto Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha

0
502

Gabiley (HP): Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa maanta kormeer ku soo maray qaybo ka mid ah goobaha ay ka socoto diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee gudaha magaaladda Gabiley, iyo meello ka baxsan ba.


Goobaha uu badhasaabku soo kormeeray waxaa ka mid ahaa gudaha magaaladda Gabiley, magaaladda Arabsiyo, iyo deegaanka Ceel-Barddaale, waxaana kormeerkaasi badhasaabka ku wehelinayey maayarka Gabiley, xildhibaano ka tirsan golaha Wakiiladda, golaha deegeanka Gabiley, iyo masuuliyiin kale.
C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa u jeedadda kormeerkiisa ku tilmaamay mid ay ugu kuur gelayeen habsami u socodka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo maanta guud ahaanba dalka ka bilaabantay.


Dhamaanba goobihii uu soo kormeeray badhasaabka Gabiley ayuu sheegay in ay diiwaangelintu si wanaagsan uga wada socotay, isagoona bulshadda gobolka ku baraarujiyay in ay kaadhka codbixinta qaataan.

DAAWO: Kormeerka Badhasaabka Gabiley Ee Goobaha Diiwaan-gelinta:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here