“Arrinta Ceel Afweyn waa dhibaato qaranka ku taalla Laakiin maanta rejo ayaa muuqata”…

0
492

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in rejo fiican uu ka qabo in la soo af-jaro colaad beeleedka Ceel Afweyn oo uu tilmaamay mid dhibaato ku ah qaranka.

Waxaanu xusay madaxweyne Biixi, in marar badan oo la isku deyay in la xaliyo colaadda Ceel Afweyn ay guul daraysatay, inkastoo guddiyadda dhex dhexaadinta labadda beelood midkoodna aanu waxba hagranaynin.

Hase yeeshee in imika dariiq wanaagsan loo maray soo af-jaridda colaadaasi  yididiilo badan ay muuqato, isla markaana loo baahan yahay in loo wada guntado sidii looga midho dhalin lahaa arrintaasi.

Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeedinayay kulan maanta uu xarunta madaxtooyadda ee Hargaysa kula yeeshay madax dhaqameed, waxgarad, odayaal, aqoon yahan, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kaloo ka soo jeedda gobolka Sanaag.

Kulankaasi oo u jeedadiisu ahayd sidii xal waara iyo nabad loogu dhamayn lahaa colaad beeleedka ka taagan Ceel Afweyn iyo sidoo kale sidii uu madaxweynuhu u cafin lahaa jabhadda Kornayl Caare, oo mudooyinka dagaalo Somaliland ka dhan ah ka waday gobolka Sanaag.

Halkan Ka Daawo Madaxweyne Biixi Oo Arrimahaas Ka Hadlayay:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here