Madaxweyne Biixi iyo Ergadii Nabadaynta Sanaag Oo Is Af-garad Gaadhay

0
527

Hargaysa (Hargeisa Press.com):Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ergedii nabadaynta gobolka Sanaag, ayaa maanta is Af-garad buuxa ka gaadhay soo af-jaridda arrintii buuraleyda waqooyi ee gobolka sanaag muddada ka taagnayd.

Kulan uu madaxweynuhu la qaatay ergadan, ayaa la iskula qaatay in si degdeg ah loosoo af-meero arrinta ka taagan deegaanka buuraleyda waqooyi ee gobolka Sanaag, isla markaana wada-jir loo taageero nabadda iyo deggenaanshaha gobolka.

Isagoo madaxweynuhu danta guud u aqbalay inuu cafiyo ciidamada ku sugan halkaas ee faraha la galay falalka liddiga ku ah nabadgelyada isla markaana la qarameeyo.

Salaadiin, cuqaal iyo waxgarad ay ka mid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Cali Badda-cas, Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good, Chief caaqil Maxamuud Nuux, Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari, Sheekh Cawil Faatax iyo waayeel kale oo ka mid ah ergada nabadaynta, ayaa madaxweynaha la qaatay in dhammeeyo dhibaatadaas.

Waxaanu madaxweynuhu shaaca ka qaaday in xukuumadu diyaar u tahay adkaynta nabada iyo horumarka gobolka, isaga oo caddeeyey inaan cidina ka sarrayn shuruucda dalka u dejisan, islamarkaana aan la baalmari karin Dastuurka qaranka.

Halkan Ka Daawo Khudbadii Madaxweynaha Ee Kulankaasi Uu Ka Jeediyay:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here