Amal Baanka Oo Daah-furtay Barnaamij Lagu Horumarinayo Ganacsiyadda Haweenka

0
832

Hargaysa (Hargeisa Press): Baanka wadaniga ah ee Amal Bank ayaa magaaladda Hargaysa ka daa-furay barnaamij maalgelineed oo lagu horumarinayo gansciga yar yar  ee Haweenka Somaliland.

Barnaamijkan oo magaciisa la yidhaahdaa HODMIYE ayaa ah adeeg lagu horumarinayo ganacsiyadda yar yar  ee haweenka Somaliland.

 

Iyadoo dumarka ganacsiyadoodu shaqeeyaan la siinayo lacag ay ku shaqaysanayaan. Kadib na ay soo celinayaan adeegaasi oo ah faa’iido la’aan.

Munaasibadii shaacinta barnaamijkaasi waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid haweenka ganacsigoodu shaqaynayo ee loo samaynayo maalgelinta, agaasimaha guud ee  wasaaradda maalgashiga Somaliland, agaasimaha baanka dhexe ee Somaliland.

 

Agaasimaha dalladda dhalinyaradda Somaliland ee SONYO, madaxda iyo masuuliyiinta Amal Bank oo soo qaban qaabisay barnaamijkani. Xubno ka socday ururadda haweenka Somaliland ee NOW iyo Nagaad, haween ganacsato ah iyo masuuliyiin kale.

C/fataax Ismaaciil Daahir, guddoomiyaha Amal Bank qaybteedda Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay barnaamijkan ay ku maalgelinayaan horumarinta ganacsiga haweenka iyo u jeedadda ay ka leeyihiin.

Inta badan marka ay baananka ama haayaduhu bixinayaan mashruuc maalgelineed waxaa shuruudaha ka mid ah in marka lacagta la siiyo ee ay ku soo shaqaysteen kadib ay soo celiyaan lacagtii hore ee la amaahiyay.

 

 

Hase yeeshee  mashruucan ay Amal Bank ku maalgelinayso horumarinta ganacsiaydda haweenka ayaa ka duwan kuwaasi, iyadoo aan laga doonaynin in ay soo celiyaan wax fa’iido ah lacagtii la daymiyay, sida  uu sharaxayo guddoomiyaha Amal Bank  qaybteedda Somaliland C/fataax Ismaaciil Daahir.

Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradda maalgashiga Somaliland marwo Deeqa Cabdi Yuusuf, oo iyad na munaasibadaasi hadal ka jeedisay ayaa soo dhawaysay barnaamijkan ay Amal Bank ku maalgelinayaan ganacsiyadda haweenka.

Waxaanay kula dar-daarantay masuuliyiinta Amal Bank in sidoo kale haweenka ay maalgelinayaan ay u sameeyaan sidii aqoontoodda loo kobcin lahaa si ay si wanaagsan ugu maamulaan ganacsiyadoodda.

 

Geesta kale Axmed Xasan Carwo, agaasimaha guud ee baanka dhexe ee Somaliland oo isna halkaas ka hadlay ayaa Amal Bank ku amaanay barnaamijyadda ay ku maalgelinayaan qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland gaar ahaana haweenka.

Waxaanu tilmaamay markii ay Amal Bank siinayeen ruqsadda baan-nimo in waxyaabihii aadka u soo jiitay ay ka mid ahaayeen mashaariicda maalgelineed ee ay dalka ka samaynayaan.

Waxa kaloo isna halkaas ka hadlay agaasimaha fulinta ee dalladda dhalinyaradda Somaliland ee SONYO C/xamiid Maxamed Cumar,  oo Amal Bank ku amaanay barnaamijkan ay ganacsiga haweenka ku caawinayaan.

Agaasimaha dalladda haweenka ee NAGAAD Nafiisa Yuusuf,  ayaa iyad na soo dhawaysay barnaamijkan ay Amal Bank ku maalgelinayso ganacsiyadda haweenka.

Dhinaca kale waxaa madashaasi hadalo ka jeediyay xubno isugu jiray haweenka ganacsiyadda leh iyo xubno ka socday ururadda haweenka, oo ay ka mid ahayd Xaliimo Xaaji Nuur Cali, agaasimaha ururka haweenka ee NOW.

Kuwaasoo dhamaantood ba si wayn u soo dhaweeyay barnaamijkan ay Amal Bank ku horumarinayso ganacsiyadda yar yar   ee haweenka Somaliland.

Daawo: Munaasibadii Shaacinta Barnaamijkaasi:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here