Hargaysa: Guddiga Dhismaha Machadka D/Hoose Oo Yeeshay Kal-fadhigoodii Shanaad

0
630

Hargaysa (HP): Kal-fadhigii shanaad ee xubnaha guddiga iyo daneeyeyaasha dhismaha machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose ee Somaliland ee loo soo gaabiyo LGI ayaa ka qabsoomay magaaladda Hargaysa.

Kulankaasi ayay u jeedadiisu ahayd mid lagu gorfaynayay sidii machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose u yeelan lahaa xarun u gaara iyo sidii dhaqaalihii lagu dhaqaajin lahaa loo diyarin lahaa.

Waxaana  kulankaasi lagaga tashanayay hirgelinta machadka iyo dhsimihiisa iyo hawl socodsiintiisa shaqo ee mustaqbalka.  Iyadoo dhulkii laga dhisi lahaa machadkaasi na ay bixisay wasaaradda hawlaha guud ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa hirgelinta dhismaha machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose ee Somaliland gacan ka gaysanaysa haayadda UNDP, kaasoo ay taageerro dhaqaale ku bixinayso.

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay maayarradda magaalooyinka Hargaysa, Berbera, Gabiley, Boorama, Oodweyne, Caynaba, Saylac iyo Sheekh,  agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somalialnd, agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda Somaliland.

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo gelinta, xubno ka socday haayadaha qaramadda midoobay gaar ahaana UNDP iyo daneeyeyaasha machadka shaqaalaha dawladdaha hoose ee Somaliland.

Iid Muuse Muxumed, agaasimaha machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose ee Somaliland oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in ay meel fiican marayso hawsha hirgelinta dhismaha machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey), waxaanu soo dhaweeyay qorshaha ah sidii machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose u yeelan lahaa dhisme u gaar ah.

Maayarka Gabiley Maxamed-aamiin Cumar Cabdi,  oo isna gebabadii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan in lagu guulaysto dhismaha machadkaasi.

Geesta kale C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), maayarka caasimadda Hargaysa ayaa isna soo dhaweeyay in la isla qaatay sidii loo hirgelin lahaa dhismaha machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose ee Somaliland.

C/raxmaan Soltelco, ayaa u mahad celiyay wasaaradda hawlaha guud oo bixisay dhulkii laga dhisi lahaa machadka iyo sidoo kale haayadda UNDP oo gacan ka gaysanaysa hirgelinta dhismaha machadkaasi.

Daawo: Hadaladii Laga Yidhi Gebagabadda Kulankaasi:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here