Amaanka Kenya oo la Adkeeyay & Baroor-diiq ka billaabatay + SAWIRRO

0
962

NAIROBI, Kenya – Dhowr casho kaddib markii kooxo dabley ah oo ka tirsan Al-shabaab ay weerareen Jaamacadda magaalada Gaarisa ayaa maanta ciidammo badan la dhigtay qaybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Warbixin ay tabisay Reuters ayaa lagu sheegay in ciidammo badan lagu arkay xaaafadaha magaalada Nairobi qaarkood, gaar ahaan meelaha ay kaniisaduhu ku yaallaan, si looga hortago in la weeraro.

Xaafadda_Islii_Nairobi_Kenya

Sidoo kale, wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegtay in ujeedka ciidamadan loo dhigay kaniisadaha Nariobi ay tahay in la hor-tago weeraro kale oo ay Al-shabaab ku qaadaan kaniisadaha maadaama ay maanta tahay Axad.

Willybard Lagho oo ah baadariga kaniisad Mombasa ku taalla ayaa sheegay inay aad uga walwalsan yihiin amaankooda; isla markaana ay dowladda ka codsadeen in amaankooda la sugo.

β€œAmaankeenna ma ahan mid sugan, xilli kastana waxaaanu bartilmaameed u nahay Al-shabaab; dowladana innagaa weydiisanay inay ciidamada maanta la arko keento goobaha kaniisadaha,” ayuu yiri Willybard Lagho.

article-2430324-1838984B00000578-691_634x501

Warbaahinta Kenya ayaa qoray inay jirto halis dhanka amniga ah maadaama ay Al-shabaab mar kale ku goodiyeen inay gudaha Kenya dhiig badan ku daadin doonaana.

Xarumaha ganacsiga iyo goobaha kale ee la isugu yimaado ayaa amnigooda iyagana la adkeeyay; iyadoo laga cabsi qabo in Al-shabaab ay weeraro kale la beegsato.

Dhanka kale, Kenya ayaa waxaa maanta ka billowday saddex maalmood oo baroor-diiq loo sameynayo dadkii ku geeriyooday weerarkii Jaamacadda Gaarisa ay Al-shabaab ku qaaday Khamiistii lasoo dhaafay.

Weerarkii Gaarisa oo noqonaya kii ugu xumaa oo ay Al-shabaab Kenya ka geysato muddo sannado ah ayaa lagu dilay 148-qof oo intooda badan ahaa ardaydii wax-ka-baranayay Jaamacadda Gaarisa.

Hay’adda Laan-qeynta cas ee Kenya ayaa sheegtay in illaa iyo hadda 54-qof maydadkooda la aqoonsan la’yahay, kuwaasoo maydadkooda ay yallaan magaalada Nariobi ee xarunta Kenya.

Ugu dambey, madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa warbaahinta ka sheegay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo mas’uuliyadda weerarkii Jaamacadda Gaarisa sheegatay.

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here