Akhri Xaddiga Lacag Mushahar Ah Oo Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadku Ku Eedeeyeen In Maamulkoodu Ka Lunsaday

0
1042

Hargeysa, (HargeisaPress) — Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegay in Mushaharkoodii ay musmaasuqeen Madaxda Wasaaradda Caafimadku. Qoraal shaqaaluhu arintan ka soo saaray waxay ku sheegeen in Lacag dhan $344,310(Saddex boqol afar iyo afartan kun, saddex boqol iyo toban Dollar) oo Hay’adda UNICEF ugu talo gashay in Mushahar ahaan loo siiyo Shaqaale dhan 113 Qof. waxay sheeg in lacagtan oo qorsheheedu ahaa in mudo 15 bilood ah Mushahar loo siiyo inteedii badnayd la lunsaday. Waxaana loo isticmaalay sifo baalmarsan qabkii loogu talo galay.

warqada wa ca2

Shaqaaluhu waxay sheegeen in Lacagtan oo ahayd kabka ama caawimada Wasaaraddu ka hesho UNICEF Wasiirkii hore ee Caafimaadku u gudbiyay Unicef si Mushahar ahaan loogu siiyo shaqaale dhan 73 qof, sidoo kalena Maamulka hadda ee wasaaraddu ku kordhiyay 40 qof oo kale. Shaqaalahan waxaa ugu sareeya Agaasimaha guud waxaana ugu hooseeya qaar ka mid ah nadiifiyeyaasha iyo shaqaale hoosaadka wasaaradda ilaaliya, waxaana ka ugu badan loo qoondeeyay Mushahar dhan $1,250 Dollar, ka ugu yarna $80 Dollar.

warqada wa ca2

Shaqaalaha oo sheegay in loogu talo galay in lixdii bilood ee walba Shaqaalaha la siiyo Mushaharkooda, waxaa loo qoondeeyay muddo 15 bilood ah balse lacagta oo wakhtigeedii dib uga dhacday waxaa la siiyay Saraakiil tiro yar oo muddo 9 bilood ah la siiyay mushaharkooda, balse cid kale aan la siin isla Saraakiishaasna laga lunsaday 6 bilood.

waqada 23

Hadal haynta arintan oo maalmahan soo baxaysay ayaanay suuro galin in Wasiir Saleebaan Ciise Axmed iyo Agaasimihiisu arintan ka hadlaan, balse Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan oo la hadashay Wargeyska Jamhuuriya ayaa arintan iskaga leexisay Wasiirka iyo Agaasimaha “Wallaal, arrintaas kala xidhiidha wasiirka iyo Agaasimaha guud, shaqaaluhuna aniga igama cabanayaan ee waxay ka cabanayaan Wasiirka iyo Agaasimaha guud, markaa iyaga waydiiya anigu kama hadlayee” ayay tidhi Wasiir Nimco Xuseen Qawdhan.

w 46

Shaqaalaha ayaa qoraalkooda ku sheegay in Liiska wasiirkii hore mr Xuseen Xoog u gudbiyay UNICEF kagana codsaday inay 73 qof oo shaqaalaha wasaaradda ah mushahar ahaan u siiyaan kaalmada wasaaradda lagu daray 40 qof oo kale islamarkaana dadka liiska hore ku jiray aan badankooda la siin mushahar.

warqada w cafi

 

 

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here