Dilalka ay kooxaha Islaamiyiinta ahi ka fuliyeen aduunka oo lasoo bandhigay

0
923

Nairobi, KENYA (HargeisaPress) — Warbixin ay wadajir u u soo saareen BBC-da iyo machadka King Collage ee London London ayay kusoo bandhigeen tirada weerarrada kooxaha hubeysan ee loogu yeero argagixisada caalamka ka geysteen iyo khasaaraha ka dhashay.
Dalalka Afghanistan, Nigeria, Ciraaq iyo Soomaaliya ayaa kaalimaha hore ka galay dalalka weerarrada ugu badan ay ka geysteen kooxahan, iyadoo lagu soo badhigay warbixinta noocyada weerarradaasi kala yihiin.

al shaba
Tirada dadka weerarrada kooxahan ku geeriyooday ayay warbixintu sheegtay inay 5,042-qof gaarayaan, kuwaasoo lagu dilay 664 weerar oo ka kala dhacay 14 waddan, taasoo ka dhigaysa in maalin walba 168 qof lagu dilay weerraradan ay kooxahani geysanayaan, halka saacadii ay noqonayso toddoba qof.
Xarakada Al-shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya ayaa la sheegay inay mas’uul ka tahay dhimasahada dad gaaraya 266 qof sannadkan oo keliya, kuwaasoo lagu dilay 41 weerar oo ka dhacay Kenya iyo Soomaaliya.
Sidoo kale, warbixinta ayaa muujinaysa in 31% dadkaas oo u dhigmaysa 5,000 oo qof lagu dilay toogasho, halka 19% lagu dilay qaraxyo iyo 10% oo ah weerarro gaadmo ah lagu qaarijiyay.
Al-shabaab ayaa iyadu qirtay mas’uuliyadda weeraro ka dhacay Kenya iyo Soomaaliya, kuwaasoo ay dad badan ku dhinteen. Weerarkii ugu dambeeyay ayay Al-shabaab ku dishay 36-qof oo dhagaxda qoda, kuwaasoo ku sugnaa duleedka magaalada Mandheera ee dalka Kenya.
Ugu dambeyn, warbixinta ayaa lagu xusay in Daalibaan oo ka dagaalanta Afghanistan ayaa mas’uul ka ah sida warbixinta lagu sheegay dilalka 720-qof, kuwaasoo lagu dilay 151 weerar oo dalkaas ka dhacay.

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here