Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka Somaliland oo Kulan-Hawleed U Furay 12 Degmo

0
872

Gabiley (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Ducaale, ayaa maanta magaaladda Gabiley kulan hawleed uga furay 12 degmo oo ka mida degmooyinka dalka.

Kulan hawleedkaasi oo socon doona muddo 3 maalmood, ayaa waxaa uu ku saabsan yahay dhamaystirka qorsheyaasha la qabsiga isbedelka cimiladda.

Furitaanka tababarkaasi, waxaa agaasimaha guud ku wehelinayay Maayarka degmadda Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi, iyo Agaasimaha Waaxda Fayo-Dhawrka Deegaanka iyo horumarinta magaalooyinka ee wasaaradda Deegaanka Maxamed Yaasiin Cabdiraxmaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Ducaale, oo kulan hawleedkaasi furay, ayaa sheegay in u jeedadda tababarkani ay tahay in la dhamaystiro qorshaha la qabsiga dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimiladda ee degmooyinka dalka.

Kaasoo daba socdo daraasad ay sanadkii hore wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladu ka samaysay 12-kan degmo ee maanta kulan hawleedka loo qabtay.

Agaasime Maxamed Cabdillaahi Ducaale, ayaa tilmaamay in ay wasaarad ahaan degmo kasta oo dalka ah u diyaariyeen qorshe wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimiladda.

Waxaa kaloo uu agaasimuhu xusay in waxyaabaha ugu waaweyn ee ay wadamadda caalamku isku waafaqsan yihiin in lagula tacaali karro saamaynta ka dhalatay isbedelka cimiladda in ay ka mid tahay qorshaha la qabsiga isbedelka cimiladda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, ayaa ka qayb galeyaasha kulan hawleedkaasi kula dar-daarmay in ay ka faa’iidaystaan mudadda uu tababarkani socdo.

Maayarka magaaladda Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi, oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in caalami ahaan arrinta isbedelka cimiladu ay tahay dhibaato ka taagan dunida, sidaas darteed na ay muhiim tahay dal ahaan in aynu qorshe ka yeelano.

Waxaanu tilmaamay maayarka Gabiley in haddii uu deegaankeenu xumaado in ay saamayn ku yeelanayso nolosha dadka Miyi, iyo magaalaba.

Geesta kale, Agaasimaha Waaxda Fayo-Dhawrka Deegaanka iyo Horumarinta Magaalooyinka ee wasaaradda Deegaanka Somaliland Maxamed Yaasiin Cabdiraxmaan, oo isna furitaanka kulan hawleedkaasi hadal ka jeediyay, ayaa tilmaamay in sababta ay u soo xusheen 12-kan degmo in ay metelaan duruufaha ka jira dhamaan ba degmooyinka kale ee dalka.

Sidaas darteed na qorshaha kulan hawleedkani ka soo baxa in lagu dabiqi doono dhamaanba degmooyinka kale ee dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka warka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here