Maayir Mooge oo Dhul U Qaybiyay Qoysas Danyar Ah

0
1369

Hargeysa (Hargeisa Press)- Maayirka caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa waxaa uu maanta dhul u qaybiyay Qoysas danyar ah oo dhibaato dhanka nolosha ku wajahayay magaalada Hargeysa.

Qoysaskan danyarta ah ee uu Maayirku dhulka u qaybiyay oo ka koobnaa 500 oo qoys, ayaa waxaa ay muddo dhawr iyo toban sano ah deganaayeen dhul aanay iyagu lahayn oo ay dad kale iska lahaayeen.

Qoysaskan, ayaa muddadii laba sanno ahayd ee uu xilka dowlada hoose ee Hargeysa uu hayay Maayir Mooge fariimo cabasho ah ka soo diri jiray goobta laga raray, isagoona qoysaskan uu maanta si rasmiya ah ugu wareejiyay dhul ay degaan islamarkaana ay iyagu leeyihiin.

Maayirka caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo hadal ka jeediyay goobtii laga rarayay qoysaskan, ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay qaabka loo rarayo Qoysaskan danyarta ah iyo weliba gurmadka loo samaynayo.

Waxaa uu sheegay in Qoysaskan Danyarta ah goobaha loo raray looga samayn doono waxyaabaha daruuriyaadka u ah nolosha ee aasaasiga ah sida, dugsi waxbarasho, xarun caafimaad, madarasad quraan iyo sariibad.

Maayirka, ayaa sidoo kale sheegay inuu rajaynayo in Qoys kasta ama Hooyo kasta inay nolosha goobta cusub ee loo rarayo uga fiicnaato goobtii ay markii hore ku noolaayeen ee labadii sanno ee uu xilka hayay ay ka soo qaylinayeen.

Ugu dambayntii, Maayirka caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa waxaa uu sheegay in ka dowlad hoose ahaan ama ka xukuumad ahaan ay ka go’an tahay inay dhibka ka dul qaado dadka danyarta ah ee ay dhibaatadu nololeed haysato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here