Agaasimaha W. Degaanka Oo Furay Kulanka Dhamaystirka Qorshe Magaaleedka Berbera

0
376

Berbera (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka cimiladda Somaliland ayaa maanta magaaladda Berbera ka furay kulan lagu falan qaynayo Dhamaystirka Qorshe-magaaleedka Istaraatijiyadeed ee Berbera.


Kulankaasi oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa lagaga wadahadli doonaa sidii loo dhamaystiri lahaa iatiraatijiyadda Qorshe-magaaleedka ee Berbera ay yeelan doonto (Validation workshop for Berbera Urban Strategic Plan).
Waxaana kulankaasi si rasmiya u furay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland C/kariin Aadan Cadde.
Sidoo kale waxaa kulankaasi goob joog ka ahaa agaasimaha Waaxda Horumarinta Deegaanka Magaalooyinka ee wasaaradda Deegaanka Somaliland.
Maayarka Berbera C/shakuur Cidin, xubno ka mid ah golaha degaanka Berbera, iyo masuuliyiin kale.


Kulankani waxa kaloo lagu soo casuumay qaar ka mid ah wasaarradaha dawladda Somaliland, iyo haayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ay wasaaradda Deegaanka wada shaqaynta leeyihiin.

Iyadoona qorshuhu yahay in falan qaynta kulankaasi lagu sameeyo ay muujin doonto wax-ku darsigooda dhamaystirka qorshahan oo mustaqbalka magaaladda Berbera, oo wax weyn ka tari doona.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here