Guddoomiyaha Urur Ogaal Oo Lagu Soo Dhaweeyay Berbera+Sawirro

0
579

Berbera (HP): Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Ogaal Rooda Cabdi Muuse, iyo wefti ay hogaaminaysay ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.


Waxaana soo dhawaynta weftiga guddoomiyaha ka qayb qaatay qaybaha kala duwan ee bulshadda ku nool magaaladda Berbera.
Guddoomiye Rooda Cabdi Muuse, ayaa sidoo kale waxay isla maanta magaaladda Berbera xadhiga kaga jartay xafiiska ururku ku yeelan doono gobolka Saaxil.


Marwo Rooda Cabdi Muuse, oo khudbad u jeedisay dadkii soo dhaweeyay ee taagereyaasheeda ahaa ayaa uga mahad celisay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen.
Waxaanay ka warbixisay guddoomiyuhu qorsheyaasha siyaasadeed ee ururka Ogaal.


DAAWO: Khudbaddii Guddoomiyaha urur Siyaasadeedka Ogaal Rooda Cabdi Muuse:

DAAWO: Qaabkii Berbera loogu soo dhaweeyay guddoomiyaha Ururka Ogaal:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here