“Aniga iima taallo cidda ay ka timid iyaga su’aalahaasi waydiiya…” Daahir Rayaale

0
434

Hargaysa (HP): Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaaale Kaahin, oo haatan ku nool dalka Faransiiska ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaaladda Hargaysa.

Daahir Rayaale, ayaa markii uu ka soo degqy garoonka diyaaradaha Hargaysa, waxaa loo diiday inuu saxaafadda kula hadlo gudaha garroonka diyaaradaha Hargaysa.
Xukuumadda Somaliland gaar ahaana haayadda duulista Somaliland ayaan ka hadal sababta Daahir Raxaale, loogu diiday inuu madaarka gudihiisa kula hadlo.
Hase yeeshee, Daahir Rayaale Kaahin, oo kadib gurigiisa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aanu garanaynin sababta arrintaasi ku dhacday.
Mar la waydiiyay su’aal la xidhiidhay cida uu dhacdadaasi u aanaynayo in ay ka danbaysay waxa uu tilmaamay in arrintaasi la waydiiyo cidii ay tallaabadaasi ka soo fushay.
Geesta kale guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Cali Xaamud Jibriil, oo ka mid ahaa masuuliyiintii madaxweynaha hore soo dhaweeyay ayaa isna halkaasi ka hadlay.

DAAWO: Daahir Rayaale oo loo diiday inuu Madaarka Cigaal kula hadlo Warbaahinta:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here