Afar Xarumo Caafimaad Oo Laga Hirgeliyay Deegaamo Ka Tirsan Gabiley

0
257

Gabiley (HP): Agaasimaha guud ee waasaadda Cafimaadka Somaliland ayaa xadhiga ka jaray afar xarumo Caafimaad oo laga hirgeliyay deegaamo ka tirsan gobolka Gabiley.

Xarumahan caafimaad oo tiradoodu dhan tahay afar ayaa saddex ka mida ay hirgelisay dwladda hoose ee degmada Gabiley.

Halka xarunta afraadna uu ganacsade Jaamac Oomaar, ka hirgeliyay deegaanka Gees-dheere, oo ku yaalla woqooyiga magaaladda Gabiley.

Sidoo kale saddexda xarumood ee dawladda hoose ee Gabiley maal-gelisay ayaa ku kala yaalla deegaamadda Godka carada, Gorray iyo Galoolay, kuwaasoo dhamaantoodba ka tirsan gobolka Gabiley.

Xadhig ka jarka xarumahaasi caafimaad waxaa ku wehelinayay agaasimaha ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, maayarka Gabiley Maxamed Cumar Cabdi.

Xildhibaanno ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland, qaar ka mida xubnaha golaha deegaanka Gabiley, isuku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Gabiley, iyo masuuliyiin kale.

DAAWO: Agaasimaha W. Hornarinta Cafimaadka oo Xadhig ka jaray 4 Xarumood:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here