“Waanu ku taageersan nahay Ciidanka Qaranka Somaliland difaaca Laascaanood…”

0
298

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysa Cali Waraabe, ayaa ciidamadda qaranka JSL ku bogaadiyay sida ay isaga difaaceen ciidamo beeleedka isu habar wacday ee dibada kaga soo duulay Somaliland.

Eng. Faysal, ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii nabad loogu soo celin lahaa magaaladda Laascaanood, isla markaana ay UCID ahaan ciidanka qaranka ku taageersan yihiin difaaca Laascaanood.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysa Cali Waraabe, oo u waramay laanta Af-Soomaaliga ee BBC, ayaa sidoo kale ugu baaqay Garraadadda goobolka Sool in ay nabadda ka shaqeeyaan.

DAAWO: Waraysiga Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here