Abiy Axmed oo Diiday Inuu La Kulmo Xasan Sheekh

0
1695

Hargeysa (Hargeisa Press)- Siyaasi Mustafe Maxamuud Qodax, ayaa sheegay in Madaxweynaha maamulka taagta daran ee Soomaaliya uu geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii uu ula kulmi lahaa Ra’iisal Wasaaraha dowladda Itoobiya Dr. Abiy Axmed.

Mustafe Qodax, ayaa waxaa uu sheegay in Xasan Sheekh uu dariiq walba la taagan yahay dhul iyo bad baanu idin siinaynaa ee heshiiska Somaliland ka noqda.

“Saddex cisho ka hor waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya isku dayey in uu Nairobi kula kulmo Raysal Wasaaraha Itoobiya, balse Abiy Axmed ayaa diiday, waxa uu Xasan Sheekh dariiq walba la taagan yahay dhul iyo bad baanu idin siinaynaa ee heshiiska Somaliland ka noqda” ayuu yidhi.

Siyaasi Qodax, ayaa xusay in heshiishka badda ee Somaliland iyo Itoobiya uu maskax guur ku riday cid walba oo cadow ku ah Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan dalalka Soomaalida ee la dariska ah dalkeena.

”Baddeena iyo hawadeena inagaa u talinayna, dhaqdhaaqyada dadka kale ee Soomaaliyeed waddaan waxa weeye anaga idin talinayna ee ma tashan kartaan taasna yeeli mayno, qiimaha heshiiska waxa aad ku garanaysaa intii heshiisku soo baxay waxa cadowgeenu ku dhacay maskax guur”. ayuu yidhi Siyaasi Mustafe Qodax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here