Shiinaha oo Diiday Baadhitaan Caalami Ah oo Ku Saabsan Coronavirus

0
1557

Beijing (Hargeisa Press)- Dowladda Shiinaha ayaa ku gacan-seydhay soo jeedin ah in baadhitaan caalami ah lagu sameeyo halka uu kayimid fayraska Corona ee dunida ragaadiyay.

Safiir kuxigeenka Shiinaha u fadhida London, Chen Wen, ayaa sheegtay in dalabka noocaasi ah uu yahay mid siyaasadeysan, isla markaana wax u dhimaya dedaalka uu dalkeeda kula tacaalayo cudurka safmarka ah.

Tan iyo markii uu cudurka ka bilowday magaalada Wuhan ee Shiinaha ayaa waxaa isa soo tarayay dalabka ah in baadhitaan caalami ah lagu sameeyo sida uu fayraska ku bilowday.

Xogta ku aaddan halka uu kayimid fayraska iyo qaabka uu markii ugu horreysay ku faafay ayaa la rumeysan yahay inay dalalka caalamka ka saacidi karto la tacaalidda cudurka.

“Xilligan waxaan xoogga saareynaa la dagaallanka fayraska, marka ma garanayo sababta looga hadli karo baadhitaan caalami ah. Arintaasi waxa ay diiradda ka lumin kartaa dedaalkeenna iyo weliba dhaqaalaha aan kula dagaallameyno cudurka. Waa arin siyaasadeysan. Mana jirto cid oggalaaneysa,” ayay tidhi Chen.

Waxa ay intaa ku dartay inay jiraan warar badan oo xaqiiqada ka fog kuwaasoo ku saabsan halka uu kayimid fayraska.

Ms Chen ayaa sheegtay in macluumadkasi ay beenta ku sheegtay ay ka khatar badan yihiin cudurka dilaaga ah.

Dalal badan ayaa su’aal geliyay sida uu Shiinaha uga run sheegay saameynta uu ku yeeshay cudurka Covid-19 iyo weliba qaabka uu ula tacaalay.

Tom Tugendhat, oo guddoomiye u ah guddiga baarlamaanka Britain u qaabilsan arimaha dibedda, ayaa ku eedeeyay xukuumadda Beijing inay ka been sheegtay macluumaadka saameynta uu dalkaasi ku yeeshay fayraska.

Waxa uu intaa ku daray in xisbiga shuuciga ah ee dalkaasi u taliya uu sumcaddiisa ka hormariyay badqabka shacabka Shiinaha iyo kan caalamka oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here