Qof Loo Dilay Bandowga Muqdisho Saaran iyo Xiisad Ka Dhalatay

0
1431

Muqdisho (Hargeisa Press)- Dadweyne cadheysan ayaa caawa isugu soo baxay isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, kadib markii qof shacab ah loo dilay inuu jebiyey bandowga saaran magaalada Muqdisho dartii.

Dilkan ayaa waxaa gaystay askari ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya, kaasi oo sidoo kalena dhaawacay qof kale oo rayid ah, sida ay goobjoogeyaal sheegeen.

Qofka la dilay ayaa ahaa wiil dhallinyaro, waxaana dilkiisa ka dhashay banaanbax ay dadweyne cadheysan taayiro ku gubaan inta dhaxeysa Isgoyska Jubba iyo dugsiga Bartamaha, oo u dhow halka uu dilka ka dhacay..

Sida ay sheegeen goobjoogeyaal la hadlay warbaahinta, askariga dilka geystay oo ka tirsan Ciidanka Booliska, ayaa ku sugnaa oo uu kasoo tegay barta koontaroolka ee Ciidamada Booliska ku hubiyaan gaadiidka.

Wiilka la dilay iyo gabadha dhaawaca ah ayaa la sheegay inay fadhiyeen banaanka guri ku yaalla agagaarka wasaaradda boostada, waxaana dilka uu yimid kadib markii ay diideen amar uu bixiyey askariga dilka gaystay oo ahaa inay guriga galaan.

Ka hor dilka ayaa la sheegay inay hadallo is-weydaarsadeen askariga iyo labada qof ee shacabka ah, mana cadda waxay ahaayeen hadalladaas.

Wiilkan dhallinyarada ahaa ayaa noqonayaa qofkii ugu horreeyey ee loo dilo bandowga ay dowladda Soomaaliya kusoo rogtay Muqdisho, ee la sheegay in ujeedkiisu yahay yareynta faafitaanka cudurka Coronavirus.

Bandowga Muqdisho ayaa laga billaabo maalinta koowaad ee bisha Ramadan wuxuu billaabanayaa 7-da habeennimo, waxaana shacabka qaar ay walaac ka muujiyeen inay mararka qaar adag tahay in dadka oo idil ay xilligaas ku sugnaadaan guryaha maadaama ay jiraan dad kasoo afura xaafado kale, oo aan awoodin afurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here