45 Arday Oo Ka Qalin-jabiyey Kulliyadda Injineerinka Jaamacadda Hargeysa Oo Xaflad Qabsaday + SAWIRRO

0
1096

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”45 ka Arday ee ka qalin jabiyey Kuuliyada Ingineerinka Jaamacada Hargeysa, ayaa Munaasibad balaadhan oo ay ku soo bandhigeen waxyaabaha ay barteen muddo shan sano ah qabsaday.Β  Ardaydan ka qalan jabisay Kuuliyada Injineerinka ee Jaamacada Hargeysa ayaa waxa ay yihiin 45-arday, oo laba ka mid ahi yihiin Hablo, waxaana Munaasibadani oo si weyn loo soo agaasimay ka dhacday MansoorΒ  Hotel, waxaana ka soo qeyb galay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Hormoodka Kuuliyada Injineerinka Jaamacada Hargeysa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire,Β  Guddoomiyaha Saddexaad ee Golaha Wakiilada, Gudoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka, Shirkadaha Dhismaha, Laydhka, Macalimiinta Kulliyadda Injineerinka jaamacaddaΒ  Hargeysa, Waalidiin, Arday iyo Marti sharaf aad u tiro badan.

 

Xasan Xariir oo isagu ka mid ah Ardayda ka qalan jabisay Kuuliyada Ingineerka oo ugu horeyn Munaasibadaas ka hadlay ayaa ka xog waramay waxyaabihii kala duwanaa ee ay barteen muddadii Shanta Sanno ahayd ee ay dhiganayeen Kuuliyada Injineerka Jaamacada Hargeysa, waxaanu aad ugu mahadnaqay Maamulka iyo Macalimiinta Kuuliyadood. Waxaanu yidhi, β€œWaxaan jecel ahay in madashan qiimaha iyo qaayaha leh uga faa’iidaysto Tababarahayga na soo tababaray muddadaas shanta sanno ah yacni in aanu ka soo baxnay Kuuliyad oo aanu u tababaran nahay sida Askarta oo kale waxa nooΒ  caddanaysa saddexdii sanno ee ugu horeeyey waxaanu gali jirnay Waxbarashada Todobada Subaxnimo ilaa laba iyo tobanka duhurnimo, waxay muujinaysaa in aanu tababar khaas ah qaadan jirnay, wakhtigii saddexdaas sanno ku jirnay waxa qiimo gaar ah noo lahaa inta uu nooga soo horeeyo Fasalka”

 

Hormoodka Kuuliyada Injineerinka Jaamacada Hargeysa Eng.Β  Xasan Jaamac Diiriye oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa si xeel dheer uga waramay marxaladihii kala duwanaaΒ  ee Kuuliyadani soo martay, waxaanu dardaaranΒ  iyoΒ  dhiirigelin u soo jeediyey Ardaydan qalan jabisay, waxaanu yiidhiΒ  β€œHalkan waxa inala fadhiya 45 arday oo Jaamacadda Hargeysa Kuuliyadda Injineerinka ka qalan jabiyey oo laba gabdho yihiin, oo asalkoodii soo bilaabay shan sanno ka hor iyagoo ah laba fasal, oo tiradoodu marka la isku daro ay ahayd 140Β  ama 135, sidii loo shandhaynayey waxa ka soo hadhay 45-kaas ayaa noqday khulaasadii halkan ka qalan jabinaysay, Ardayda Kuliyada Jaamacada Hargeysa ka baxda waa Arday ka duwan kuwa Jaamacadaha kale, waayo waa Jaamacad hab dawli u shaqeeysa,oo aanu qof gaar ahi lahayn, oo aan lacag laga doonayn,oo aan la xayeysiin,oo aan si gaar ah loo eegayn,oo yaanu dhicin la lahayn, oo Ardaydaas imika qalan jabiyey sagaashan la bilaabay ayaa halkan laga sii daayey, halka Jaamacadaha kale la yidhaahdo dhammaantood ha socdaan ee yaanay xabadaniΒ Β Β  hadhinΒ  lacagta inoogaΒ  qaada, guushu sideedaba wey saaxibo badan tahaye, guul daradu waa goblan oo cid ma leh, oo waa la kala carara, bahasha guusha hareeraha la wada qabsadaa,Β  waxaan aad iyo aad ugu mahadinayaa Ragga hareerahayga fadhiya oo ugu horeeyo ninka la yidhaahdo Axmed Gahayr,oo aniga oo idhi waxaan fadhiisanayaa Masaajid, igu yidhi meel halkan ayaa jirta oo u baahan in ducada laga qaato, ee soo sare kac,aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa”.

 

Eng. Xirsi Cabdilaahi Xirsi, oo ka mid ah Macalimiinta Jaamacada Hargeysa oo isaguna munaasibadaas ka hadlay ayaa si waafiya u sharaxay waxay barteen ardaydu iyo qiimaha uu Civil ku leeyahay bulshada β€œMaanta anigu kalmadayda waan ka yara dawayaa kalmadii macalimiintii iga horeeyay maadaama oo ay iyagu xagii khibradda iyo da’daba xoogaa aad iiga horeeyaan waxaan ka dhigayaa kalmadayda kalmadii injineerada ama inta aan la wadaago Ardayda halkan fadhida oo ah magaca ay soo gaadheen shanta sanno dabadeed, ee ay nala wadaagayaan imika oo ay dhamaantood haystaanΒ  magaca InjineerΒ  oo ayΒ  xagaana inagala siman yihiin. Kalmadaydu waxay ku socotaa bulshada sida uu sheegayo magiciisa wuxuu ku bilaabmaa Civil taasi waxay la macno tahay waa noloshii oo dhan waa bulshadii oo dhan waxa uu wax ka taabanayaa qayb kasta oo ka mida nolosha, Civil Engineering ku wuxuu ka bilaabmaa biyaha waxa uu ku dhamaadaa dhismayaasha dhaadheer, waxa ku jira waddooyinka, waxa ku jira Suuliga aynu galno iyo sidii loo nadiifin lahaa. Si kooban hadii aan u dhigo Civilku wuxuu taabanayaa nolosheena oo dhan taasina waa inta ay gaadheen ardayda halkan fadhidaa, waa inta ay xaqa u yeesheen inay magacaasi ku faanaan waa inta ay xaqa u yeesheen inay yidhaahdaan Title kayagu hada kadib wuxuu noqonayaa Eng”.

 

Eng. Xirsi waxa uuΒ  bulshada iyo madaxda dalkaba u soo jeediyay in ardaydaa wakhtiga dheer wax soo baranayay ku ixtiraamaan waxay soo barteen iyo Title ka ay haystaan ee ah Eng.

 

β€œWaxaan doonayaa inaan KalmadaydaΒ  gaadhsiiyo Bulshada iyo madaxda dalkaba Ardayda halkan ka qalin-jebisay ama guud ahaan Ingineerisku idiin kama baahna shaqo idinka iyaga ayaa haysta shaqadooda, kaliya waxay idiinka baahan yihiin inaad ixtiraamtaan Title kooda. Maanta magac Injineer waxa haysta cid walba, waxa loogu yeedhaa qof walba oo aan u qalmin, waxa loogu yeedhaa qof walba oon soo marin shanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here