Gabiley, (HargeisaPress) —Maayarka gobalka gabiley mahamed aamin cumar cabdi iyo xubno xildhibaano oo ka tirsan golaha degaan gabiley ayaa saaka xafiiskisa ku qaabiley wafti ka socda dalka finland safarkan waftiga ayaa ahayd mid la sugayey oo ka dhaxeeyay dalka dalka finland iyo gobalka gabiley oo qayb wayn ka qaatey maayar gobalka gabiley safarkan oo ah mid wada shaqaynayd iyo maalgashi ah oo la rabo inay dalka finland ka qayb qaato hawlaha iskaashi oo shaqaale oo horumarinta arimaha bulshada gobalka gabiley ku samaystaan madaama oo yahay gobalka cagaaran si ay uga qayb qaatan xidhiidhka iskaashi iyo wado shaqayneed ee xildhibaaanada golaha degaaanka iyo xildhibaanada golaha degaan finland horumarin arimaha aas aasiga u ah arimaha bulshada sida caafimaadka. Waxbarashada iyo wax soosaarka gobalka sid a beeraha.
Hadaba ugu horayn waxa halkaasi ka Hadley maayarka golaha degaanka gabiley aadna ufaah faahiyey waxyaabaha salka u ah ee loo baahan yahay in wax laga qabto madaama oo golaha degaanka gabiley yihii kuwo lasoo doortey un taagan arimaha bulshada gobalka gabiley in wax laga qabto .sida waxbarshada caafimaadka iyo wax soo saarka beeraha madaama oo gobalku yahay gobal wax sooo saar bulshadanu diyaar utahay.
Sidoo kale waxa iyaguna soo dhawayn iyo mahadnaq ujeediyey qaar ka mid xildhibaanada aad ugu aamanay maayarka wada shaqnta fiican ee laleeeyahay golihiisa soo dooortey una taagan horumarin arimaha bulshada gobalka gabiley.
Hadaba safarka xildhibaanada golaha degaanka finland ayaa ah mid laga sugayo wada shaqayn ay la yeeshan xildhibaanada golaha degaanka gabiley sidoo kale waxa iyaguna ka Hadley qaar ka mid xildhibaanada golaha degaan finland oo mahadnaqiyo wajifuran ku amaanay maayarka iyo wada shaqntii uu lahaa xildhibaanada golaha degaan finland sidoo kale xildhibaanadu finland ayaa sheegay in fiican wanagsan ula shaqayn doonaan golaha degaan gabiley.
Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley
Email: wacay28@hotmail.Com